Shirkadda Dahabshiil Oo Abaalmarino Guddoonsiisay Macaamiisheedda Magaaladda Dublin Ee Dalka Ireland

0
673
Shirkadda Dahabshiil Oo Abaalmarino Guddoonsiisay Macaamiisheedda Magaaladda Dublin Ee Dalka Ireland


Dublin (): Shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa macaamiisheedda wadanka Ireland gaar ahaana caasimadda  Dublin waxay guddoonsiisay abaalmarino kala duwan, iyadoo casho sharafna ku maamuustay.
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay  barnaamijkaasi ayaa  macaamiil  badan oo ilaa 40 ah waxay shirkadda Dahabshiil gudoonsiisay qaar ka mida macaamiisheeda qalab kala gedisan.
Jamaal aad oo ah Wakiilka Shirkadda Dahabshiil ee Irland ayaa tibaaxay in munaasibadda looga gol leeyahay in Shirkaddu macaamiishedda ay dib wax ugu celiso waxana uu yidhi “waad salaamantihiin, waxaan idinku soo dhaweynayaa qacmo furan, waxanan idiinka mahadnaqayaa sidii wanaagsanayd eed iila soo shaqeyseen aad iyo aad ayaanan idiinka mahadnaqayaa sidoo kale cawa waxa aynu bixin doonaa abaalmarino aanu uga gol leenahay sidii aanu macaamiisha dib wax ugu celin lahayn”
mid ka mid ah maamulka sarre ee Xawaaladda Dahabshiil UK ayaa sheegay in ay shirkaddu mar walba diyaar u tahay sidii ay community yada wax ula qaban lahayn uguna taageeri lahayd kolba baahiyahooda.

Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil ee Ireland ee kasoo qayb galay xafladda ayaa

dhinacooda uga mahadnaqay shirkadda Dahabshiil sheegayna in ay sii laba laabi doonaan
isticmaalka adeegyadda Dahabshiil.
waxay sidoo kale shirkadda uga mahadnaqeen mashaariicda khayriga ah ee ay ka wado
dalka.