Dahabshil Bank oo u qabtay saraakiishiisa Tababar la Xidhiidha Maaraynta Adeegga Bangiyada

0
1053

Tababarkan oo socday muddo 7 maalmood ah, ayna ka qayb qaadanayeen in ka badan 20 shaqaale oo ka mid shaqaalaha Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil oo ka kala yimid laamanaha kala duwan ee Soomaaliland, Puntland iyo Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ayaa lagu soo gabogabeeyey xarunta bangiga Dahabshiil weyn ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan waxaa agaasinkiisa lahaa hayada SPARK, waxaana fulineysay hay’adda la talinta qaabilsan ee Cornerstone. SPARK waa hay’ad dunida dacaladeeda ka fulisa barnaamijyo la xidhiidha ganacsiga iyo hal-abuurka. Waxay diiradda saartaa sidii loo suurtogelin lahaa kobac dhaqaale oo waara si hoos loogu dhigo faqrigga.

Sakariye Cali waa Gudoomiye ku xigeenka Bangiga Caalamiga ah Ee Dahabshiil, ayaa si rasmi u furay tababarkan wuxuuna sheegay in uu tababarku uu daaranyahay sidii hore loogu marin lahaa aqoonta shaqaalaha laamanaha kala duwan ee bangiga taasi oo kor loogu qaado aqoontooda iyo wax qabadkooda.  Wuxuu intaa ku daray in Dahabshiil ay markasta tababaro ay u fidiso shaqaalaheeda si loo helo hanaan shaqo wanaag oo macaamiisha soo jiita. Isaga oo la hadlaya shaqaalihii tababarku usoo gabogaboobay, wuxuu kula dardaarmay in ay ka faaideystaan fursadaha kala duwan ee uu bangigu u soo bandhigayo, isla markaana ay hore u mariyaan adeegga ay maacaamiisha bangiga ku xidhan u qabtaan. Wuxuu mahad-naq u soo jeediyey hayada SPARK oo tababarkan heerkiisu sareeyey soo agaasintay.

Marti sharaf kale oo goobta ka hadashay oo ka kala socday SPARK, Iyo Cornerstone iyo maamulka qaybaha kala duwan ee bangiga Dahabshiil ayaa iyaguna carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shaqalaaha wax la baro si ay aqoonta ay bartaan ula qaybsadaan shirkadaha/bangiyada caalamka ee la midka ah iyo kuwan dalka ku yaala, isla markaana aqoontooda iyo qaab-nolaleedkoodaba ay wax uga bedeli lahaayeen. Waxuu intaa ku dareen in ganacsiga xorta ah uu u baahanyahay taageero weyn iyo in tababaridda shaqaaluhu ay qayb weyn ka qaatan iyo hore u qaadista shaqada bangiga.

Tababarkan oo todobada maalmood socday waxaa loo soo xidhay labaatan ka tirsan shaqaale weynaha bangiga Dahabshiil ee caalamiga taas oo markii dambei kasoo qayb galayasii lagu guddoonsiiyey shahaadooyin.

Allah Mahad leh

DBI Press Release