Masar: Shabakadda Carruurta Iibisa Oo Ka Dhex Bilaabmatay Internet-ka

0
1313

Dalka Masar ayaa waxa ka dhacay dhacdooyin aad u layaab badan oo aanay dadka dunida
ku nool badankoodu mallaysan karin, dhacdooyinkaasi oo ah kuwa loo adeegsado xeelado
aad u badan.
Bog Internet-ka ah oo u gaar ah Iibinta Carruurta yaryar ayaa laga hirgaliyay Dalkaasi
Masar, farriinta soo dhaweynta Boggaasi uu la kulmayo qofka booqda ayaa waxay u
dhigneyd sidan, “Waxaan haynaa carruur iib ah oo Da kastaba leh qofkii doonaya inuu
iibsado amase uu korsado waa u diyaar”, Boggaasi ayaa waxa uu bulshada reer Masar ku
noqday yaab iyo argagax.
Boggaasi ayaa waxa uu soo bandhigaa waxyaabo kala duwan oo uu ku suuq geynayo
iibinta carruurta yar yar, waxaanay carruurtaasi iskugu jiraan ku yaryar oo haatan dhashay
iyo kuwa aan la garanaynin cidda dhashay oo da’doodu kala duwan yihiin.
Qiimaha iibka carruurtaasi ayaa ah mid kala duwan waxaanu ku xidhan yahay hadba
qaabka uu ilmahaasi yari yahay haddii uu gabadh yahay ama wiil yahay, sidoo kale
midabka ilmaha yar haddii uu cadyahay ama uu madaw yahay iyo waliba xaaladda
caafimaad.
Kadib markii boggaasi la daba galay ayaa la xaqiijiyay inuu aasaasay Injineer Isgaadhsiinta
ah oo u dhashay Dalkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Raami Al-jibaali, ka hor intii aanu
boggaasi asaasin ayaa waxa uu Facebook ka sameeyay Bog gaar ah oo uu ugu magac
daray “Carruurta Lunsan”, boggaasi ayaa noqday mid si aad ah loogu kala iibsado carruurta
yaryar waxaana jira nin ku nool Dalka Holland oo ah ninka iibka ugu badan ka geysta
boggaasi.