SOOL: Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Gacan-ku-dhiigleyaal Dilay Nin Ganacsade Ahaa

0
1125

Baadi-goob Shan maalmood qaatay ayaa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo Rag Gacan ku dhiigleyaal ah oo Badhtamaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Nin Ganacsade ahaa.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo ka warbixiyey baadi-goobkii ugu balaadhnaa ee ciidamadu sameeyaan ayaa sheegay in lagu guulaystey soo qabashada Raggaa Dilka geystay oo laba ahaa.

“Shantii iyo Badhkii ayaan ku guulaysaney in aan qabano Nimankan denbiilayaasha ah oo aanu shan maalmood dabataagnayn” ayuu yidhi, Taliyaha ciidanka Booliska, isagoo intaas raaciyey mahad celin u jeediyey dadkii ka caawiyey hawshan soo qabashada Gacan ku-dhiigleyaasha ah.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo la hadlay saxaafadda ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday inuu Go’aan ka soo saaro Dadka xukunnada Dilka ah u xidhan ee ku jira xabsiyada Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee, tallaabadan lagu soo qabtay Ragga dilka geystey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Guud ahaan gobolka, waxaase la eegayaa in xukun dil ah lagu fuliyo denbiilayaashan.