Magacyada 12 Qof Oo Ay Ku Jiraan 2 Nin Oo Ka Mid Ah Shabakadaha Dadka Tahriibaya Oo Maxkamadda Saaxil Xukun Ku Ridday Shalay

0
1078

Maxkammadda Gobolka Saaxil, ayaa Shalay Xukun ku ridday 12 Qof oo badhtamihii bishan lagu qabtay iyagoo doonaya inay ka Tahriibaan Xeebaha Bari ee Gobolka Saaxil.

12-ka Qof oo iskugu jira 2 Nin oo ah Dadka Tahriibiya Dadka iyo 10 Dhallinyaro reer Somaliland ah oo doonayey inay Tahriibaan, kuwaasi oo dhamaantood ay Ciidammada Booliisku soo qabteen Xilli Habeennimo ah, iyagoo isku diyaarinaya inay doon u raacaan Dhanka Dalka Yemen.

Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa labada Nin ee Magafeyaasha ah Midkiiba ku xukuntay Shan Sano oo Xadhig Ciqaabeed ah iyo min Laba Milyan oo Ganaax ah, halka 10-kii Dhallinyarada ahaa ee ay Tahriibinayeena midkiiba lagu xukumay Min Hal Milyan oo ganaax Lacageed ah.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Saaxil Axmed Yuusuf Cabdi (Xeeryaan) oo ku dhawaaqaya Xukunka Dadkaasi ayaa yidhi “Maxkamaddu waxay Dambiilaha Koowaad iyo labaad oo kala ah, Cali Jaamac Cismaan iyo Yaasiin Muxumed Axmed, midkiiba ku xukuntay Shan Sano oo xadhig Ciqaabeed ah iyo laba Milyan oo Ganaax ah, Xukunsaneyaasha waxa Xadhigga looga bilaabayaa Maalintii xorriyadda laga qaaday oo ahayd 16-kii bisha 12-aad, 2017-ka..”

Garsooruhu waxa kale oo uu sheegay “Dambiileyaasha kale ah ee kala ah Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi, Maxamed Ciise Cabdi, Maxamed Cabdillaahi Cali, Bashiir Ismaaciil Maxamed, Jibriil Saalax Jibriil, Nuuradiin Axmed Warsame, Maxamed Maxamuud Cawad, Mustafe Cismaan Cabdillaahi, Cabdilaahi Faarax Yuusuf, Axsan Faarax Maxamed, waxay midkiiba Maxkamaddu ku xukuntay Laba Milyan oo Ganaax ah.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil oo xukunka Dadkaasi ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in labada Nin ee min Shanta sannadood ee Xadhigga ah lagu riday ay ahaayeen Rag doonayey inay si tijaabo Dad uga Tahriibiyaan Xeebaha Gobolka Saaxil, laakiin ay ku guulaysteen Boolisku oo ay soo qabteen, aakhirkiina Maxkamaddu xukuntay, xukunkaasina farriin u tahay Cid kasta oo isku dayda inay Somaliland ka bilowdo Tahriibinta Dadka.