“Madaxweynaha Ayaanu Kala Xisaabtamaynaa Wixii Golihiisa Wasiirrada Ka Gaabis Noqdo…..

0
1385

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Markii U Horreysay ka hadlay Waxyaabaha laga doonayo Madaxweynaha Cusub

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay Madaxweynaha cusub ee Somaliland ka doonayaan inuu Qaranka ku hoggaamiyo Midnimo iyo Caddaalad.

Guddoomiyaha Guurtida oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Warar la xidhiidha Wasiirro ka mid ahaa Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasi oo lagu eedeeyay in qaarkood lagu qabtay Gaadiid Dawladdu leedahay oo ay doonayeen inay la baxsadaan.

Guddoomiye Saleebaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Baabuur baa maqan iyo baabuur baa meel laga soo qabtay, anigu waxaa kuma camal-falo, haddii wax lala baxsanayana waxaynu u leenahay Hay’ado Sharciya ee Wasiirrada ha laga daayo Dacaayadda iyo Dhalleecaynta.”

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay in Masuulka Xil u soo qabtay Qaranka, Gaadhi uu la baxsado ay ka weyn tahay waxa Dalka u yaalla “Wasiirradii hore way soo shaqeeyeen oo way halgameen, Baabuur xun maxay ku falayaan, waxa Qaranka u yaal-baa ka weyn, hadday la baxsadaan (Gaadiidka) sow waxooga qaadan mayno. Waxaan leeyahay kuwaa (Wasiirrada) aynu duco raacino way shaqeeyeene, kuwa hadda shaqada bilaabayana aynu soo dhaweyno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Madaxweynaha cusub laga doonayo inuu Ummadda ku hoggaamiyo Midnimo “Intuu Maalintii (Xil-wareejinta) naga ballan-qaaday inuu fuliyo oo ahayd inuu Waddanimo, Daacadnimo iyo Caddaalad nagu dhaqo, wax Allaale iyo wax kale oo aanu ka tabnaa ma jirto, Horumarkuna wuu immanayaa, wax kale ugama baahnin inuu Midnimo innagu hoggaamiyo mooyaane.”

Guddoomiyaha Guurtida oo Saxaafaddu weydiisay sida uu u arko Golaha Wasiirrada ee uu soo Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha ayaanu kala xisaabtamaynaa wixii (Golihiisa Wasiirrada) ka gaabis noqdo.”ayuu yidhi.