Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa waxa weli laga baadi-goobayaa Fannaanka Nimcaan Cabdiraxmaan (Hillaac), kaasi oo Maamulka Gobolkaasi sheegay inuu fasax la’aan ku tegay Magaalada Muqdisho, ka dibna uu si dhuumasho ah ku soo galay Dalka.

Ciidammada Booliiska magaalada Boorama oo doonayey inay qabtaan isla-markaana xidhaan Fannaanka ayaa ku guul-dareystay, ka dib markii Dadweyne diiddani rabshad kala hortageen, laakiin Ciidammada Boolisku waxay markaa ka dib xidheen Fannaanka Aabbihii oo ah Saddex Xiddigle ka tirsan Ciidammada Qaranka.

Xadhigga Fannaanka Aabbihii oo la waydiiyey Badhasaab ku-xigeenka Gobolka AWDAL Cabdiraxmaan Nuur Sugaal, ayaa beeniyey inuu Xidhan yahay, hasa-ahaatee Xildhibaanno Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ayaa Badhasaab ku-xigeenka ku eedeeyay inuu qariyey Xadhigga Fannaanka Aabbihii oo ay ku sheegeen mid Sharci-darro ah. Sidoo kale Xildhibaannadan oo ka mid ah Golaha deegaanka Boorama waxay sheegeen inay Sharci-darro tahay in Booliisku isku dayaan inay Xidhaan Fannaanka Nimcaan Hillaac, iyaga oo ku dooday in Fannaanku aanu dhuumasho dalka ku soo gelin markii uu Muqdisho ka soo laabtay uu Fasax soo waydiistay oo uu arrinkiisa ogaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska “Fannaanku Cafiska wuu soo dalbaday oo waxa u hadhsanayd oo keliya in Warqaddii Cafiska loo qoro, Arrinkiisana waxa la socday Wasiirro.”ayuu yidhi, mid ka mid ah Laba Xildhibaan oo Shalay ku qabtay Magaalada Boorama, waxaanu intaa ku sii daray “Wasiirrada la socday arrinka Fannaanka waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon).”

ildhibaannadu waxay Maamulka Gobolka Awdal, gaar ahaan Badhasaab ku-xigeenka ku eedeeyeen inuu qariyey Xadhigga Fannaanka Aabbihii gabadh yar oo ku dhaawacantay rabshado dhex maray Booliiska doonayey inay Fannaanka xidhaan iyo Dadweynaha diiddanaa.