Dahabshiil Daryeelaha iyo Daneeyaha Danta Shacabka!

0
1761

Shirkada Dhahabshiil oo uu aasaasay Mudane Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970 ujeedada ka dambaysayna ay ahayd arimo sida ganacsiga ah hase ahaatee waxaa markiiba uu u dhalan rogay shirkad xaga xawilaada lacagaha oo caalamka oo idil ku baahday oo wakiiladeeda iyo shirkadaha kale ee ay la bahowday awood u siiya macaamiisheedu inay lacago u soo diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku nool Geeska Afrika , taas oo ah ta ugu wayn ee uu ka gaadhay guusha ugu saraysa ama uu noqday qofkii koowaad ee soomaali ah oo ka shaqeeya shaqo tan oo kale ah amaba ka noqday mulkiile yeesha shirkad tan oo kale ah. Shirkadda dahabshiil wakhtigan waxay shaqooyin kala duwan ka haysaa caalamka inteeda badan gaar ahaan wadama badan oo Africa ah. Marka aynu ka nimaadno wadamo badan oo dunida ah oo ay dahabshil ka hawlgasho, waxay ku fidsan tahay oo laga heli karaa adeegyada kala duwan ee Dahabshiil Degmo iyo tuulo kasta oo kamid ah dhulka Somalidu dagto ee Geeska Africa sida; Somaliland, Somalia, Djibouti , Kililka Shanaad iyo NFD (dhulka somalidu dego ee Kenya) Sida la ogyahay ganacsigu qabiil malaha, gobol malaha oo ganacsato gobol u dhashay ayaa gobolo kale ganacsigoodu ka socdaa , taasina waa marinka ay ummadi ku horomari karto , shirkada dahabshiil waxa ku shaqaysaa dhexdhexaadnimo dhamaan degaanada ay ka hawl-gasho oo waa mida u sahashay adeegyadeedu inay ku fidaan degaanadaa aynu sare kusoo xusnay iyo dunida oo dhan iyo waliba horumarka ay manta gaadhay ee cid waliba markhaatiga ka tahay. Dhinaca taakulaynta ama daryeelka bulshada , iyada oo shirkada dahabshiil ku suntan tahay danaynta danta iyo baahiyaha ku gadaaman bulshooyinka degaanada ay ka hawlgasho, waxay ka taakuleysaa dhinacyo kala duwan, mar shirkadu waxay u samaysaa waxay ku ganacsadaan oo ay shaqo ku abuurtaan, mar waxay gaadhsiisaa macaawimooyin toos ah, marna wixii farsamo cusub ama technolojiyad cusub ee waxtaraya ayay ka kaalmaysaa gaar ahaan dadka Miyiga ku nool tusaale ahaan marka laga reebo taakuleyntii tooska ahayd ee shirkada dahabshiil kaga qayb qaadatay abaarihii dalka ka dhacay waxay caawimooyin ka gaysatay iyada oo adeegsanaysa habka technologiyada casriga ah ee adeega E-DAHAB in lacago hal milyan oo doolar ah oo shir ka dhacay Newyork ay soo ururiyeen ganacsato iyo dhalinyaro ay shirkada dahabshiil u fududaysay oo qaar kamid ah dadkii abaartu saamaysay ay gaadho. Wabillahi tawfiq Cabdirasaaq Sh Cali