Doorashada madaxtooyada Somaliland ayay ka soo qayb galeen goobjoogayaal caalami ah oo lixdan qof ka badan, kuwaasi oo ka kala socday 27 Dal oo dunida ka tirsan.

Goobjoogayaashan ayaa waxay si qoto dheera ula socdeen hanaanka ay dadwaynaha Somaliland u dhiibanayaan codkooda.  goobjoogayaashan oo soo wada maray meelo badan oo iyagu ay xiisaynayeen iyo dhammaan goobaha codbixinta ee degmooyinka iyo gobolada iyo tuuloojinka ay hawlaha doorashadu ka socdaan.

Qaar ka mid ah joobjoogayaashan ayaa ka hadlay goobaha ay soomareen iyo dareenkooda ku wajaha doorashadan ay ku hawlanaayee.