War Dag Dag Ah: Xisbiga Waddani Oo Sheegay Kalsoonida Ay Ka Qabaan Inay Kursiga Helyeen Iyo War Xasaasi ah ” Food Cadde

0
1015

War Dag Dag Ah: Xisbiga Waddani Oo Sheegay Kalsoonida Ay Ka Qabaan Inay Kursiga Helyeen Iyo War Xasaasi ah ” Food Cadde

Xoghayaha Beeraha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Daaud Xuseen Jamac Mr Food Cadde Oo Maanta Wareysi Khaas ah Siiyey Talefishanka Caalamiga Ah Ee SBSTV Aya waxa u ka waramey Xogo Xasaasii ah iyo kalsoonida ay isku qaban Waddani ahan

Waxanu Daaud Xuseen Jamac Sheegay Inay Tahay Doorashado Ciyaar Ka Dhexaysa Saddexda Xisbi Qaran Ee U Tartamayah Kursiga Somaliland Ee Waddani Iyo Kulmiye Iyo Ucid, Sido Kale Waxa U Sheegay Inay Rajada Ugu Wanaagsan Ay Ka Qaban Xisbi Ahan Oo Ay Guusha Ugu Cadahay Xisbiga Waddani

Sido Kale Waxa U Shegay Inay Dadka Qaarkood Malo Awalyeen Inaan Doorashada Wax Badan la Kale Sarayn Doonin Laakin Daaud Aya waxa u Sheegay Inan La Isku Soo Dhawan Doonin Lagu Kale Bixi Doono, Waxnana Rajo Weyn Ku Qabaa Inan Guulaysanyno Xisbi ahan Oo Cod Iyo Cudodba Aanu Hayn Xisbi ahan

Sido Kale Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata aya waxa u Sheegay Marka Garoonka La Imanayo Inu Qof Walba U La Imanayo Xarfadiisa iyo Aqoontiisa Iyo Kartidiisa,

Anagu Waddani ahan Waxanu Diyaar U Nahay Had Iyo Jeer Inay Qabsoonto Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah, Waxana La Isku Haysta Ee La Kaanbeyn Garaynayah Waa Dadka, Waxana La Isku Dhalaacaynayah Waa Systemyada La Kale Sito

Hore ayaanan U Socona Waddani ahan Doorasho Xor Ah OO Xalaal ah ayanan Rabnaa Waxanan Waddani ahan Nahay Xisbiga Rajada Shacabka Ee Isbedelka Wada Maanta Ee Dadkuna Raacsan Yahay Oo Rajo Ayanu Wadna Waddani ahan

Laakin ma Nihin Anagu Systemki Hore ayanu Iidin Updet Garayn Doona Ma Wadno Laakin Waxaanu Wadna System Cusub Oo Ku Dhisan Isbedel Iyo Sinaan, Waxaasanan Markaa Kalsooni Buuxda Aanu Ku Hayn oo aanu Ku Qanacsanahay Bulshada Iyo Taageerayaashaba Kamana War-War Qabno Doorashooyinka

Waxana Isla Weysiga Su,al Ku Dhax Waydiiyey Wariyhi SBSTV oo Waydiiyey Fariinta Iyo Baaqa Uu Dirayo Bulshada Somaliland Inta Ka Hadhay Doorashooyinka Qasrigga Madaxtooyada Somaliland??

Waxanu ku Jawaabay Daaud Xuseen Jamac ” Ugu Horeyba Marka Hore Waxan Salaan Guud U Dirayaha Bulshada Somaliland Ee Jecel Isbedel Doonka Ee Iskugu Soo Baxayah Goobaha Fagaaraha ”

Waxnana Ka Digayah Dadka Codeynayah Ee Sita Kaadhka Codbixinta In Farha Loga Qaado Oo Aan Laga Khal-Khal Galin Codkooda Oo Ay Faraha Kale Baxan, Oo Aan Lagu Qasbin Inanay U Codeyn Meel Aanay Rabin Oo Ay Ku Dhex Jiran Xisbul Xaakimaka Kulmiye

Sido Kale Wax aU Farin U Diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo U Sheegay Inay Jiran Dad Badan Oo Laga Jajabiyey Kaadhadhkii Codbixinta Qaarbadana Laga Haysto, Waxaasina Waxan Layahay Doorashada Waxba Yeeli Mayan,,,

Dadkuna Iyaga Aya codeyn Doona  Dadka isku Soo Baxyada Sameynyaana Waxanu Ognahay Inaanay ahaynba Dadka Qaatay Kaadhka Codbixinta Somaliland, Dadka Kaadhka Qaatayna Waxaanu Lanahay Kaadhkiina Idinka Leh Codkiinana Idinka Xaq U Lah Iidnkaana Waxa Bedeli Kara Maantana Idinka Awooda Leh

Shanta Sanadood Ee Soo Socda Cidaad Doorataanba Iska Leh Todaba Sano Hore ayad Soo Aragtaan Khaasara Iyo Faidona Wixi Dhacaybe Waad U soo Taagnaydaa… Wabila Tawfiiqa. Daaud Xuseen Jamac Xoghayaha Beeraha Xisbiga Mucaaridka aH Ee Waddani