Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Togdheer, Ka dibna Galabta Dib Ugu Soo Laabtay Caasimadda Hargaysa

0
1305

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xadhiga ka jaray dhisme casri ah oo Wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland ka dhisatay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.

dhismahan oo ka kooban laba dabaq oo si casri ah loo dhisay ayaa loogu tallo galay inay ku shaqayso wasaaradda hawlaha guud iyo guryayntu, Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahad celiyay wasiirka wasaarada hawlaha guud mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) dadaalka dheer ee uu galiyay sidii uu u dhismi lahaa dhismahan casriga ah waxaanu yidhi “Aad baan idiinkaga mahad celinayaa dadaalka aad u gasheen inaad gurigan dhistaan hambalyo hambalyo dhamaan hawlwadeenada wasaarada hawlaha guud” ayuu yidhi Madaxwayane Axmed Silaanyo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu daray wakaaladda biyaha ee magaalada burco.

Ka dib waftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayay madaxweynuhu waxa ay galabta dib ugu soo laabteen caasimada Hargaysa. iyagoo muddo shan cisho ahayd safaro ku gaalaa bixinayay goboladda bariga Somaliland ayaa booqashada uu madaxwaynuhu ku tagay goboladda barigu noqonaysa mid taariikhi ah, maadaama uu gabaabsi yahay muddo xileedkii madaxwaynuhu, suuragalna ay tahay inuu noqdo safarkii u danbeeyay ee madaxwayne siilaanyo ku tago bariga Somaliland isagoo madaxweyne ah.

Shacabka ku dhaqan caasimada hargaysa ayaa waftida madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada hargaysa.