Xisbiga KULMIYE oo Dhoolla-tus Layaab leh ku Bilaabay Ololihiisa+Baaxadda isu soo baxa taageerayaashiisa

0
978

Baaqa Ambassador Cawil Iyo Dardaaranka Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga

 

Hargeysa(Hubaal):- Xisbiga  Midnimada iyo Horumarka Somaliland ee Kulmiye, ayaa dhoolla-tuska layaab leh ku bilaabay maalinta koowaad ee ololihiisa ku bilaabay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Waxaa Sidaa lagu sheegay Warbixin Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa ka soo diyaariyey Ololihii shalay Taageerayaasha Xisbigaasi isugu soo baxeen Hargeysa, waxaana  Qoraalka Warkaasi  u dhignaa sidatan:- “Kumannaan ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ka mid ah taageerayaasha xisbul-xaakimka KULMIYE oo isugu jira dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida waayeelka, dhallinyarada iyo haweenka oo ka kala yimi dhammaan degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimaddu, ayaa isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda, kuwaas oo lulaya astaamaha xisbiga, islamarkaana qaarkood qaybo jidhkooda ka mid ah ku xardheen astaanka xisbiga KULMIYE waxay subaxii hore ee saaka [shalay] isagu soo baxdhkoodna lugaynaya, kadibna isugu yimi fagaaraha Beerta Xorriyadda oo ay kala qaybgaleen madaxda KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno kale oo hoggaanka xisbiga ka mid ah, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Maroodijeex, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo lagu guubaabinayo taageerayaasha, looguna mahadcelinayo isu soo baxooda iyo taageerada ay xisbiga u muujiyeen. Guddoomiyaha Gobolka ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa khudbado kooban oo ay halkaasi ka jeediyeen uga mahadceliyey shacabka Hargeysa sida ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee xisbiga. Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo suxufiga caanka ah ee Yoonis Cali Nuur, ayaa ku guubaabiyey taageerayaasha KULMIYE inay maalinta codka ku hubsadaan xisbigooda iyo murrashaxiintiisa. Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee reer Somaliland, kana mid ah xisbiga KULMIYE Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo hadal quluubta taageerayaasha KULMIYE si weyn u soo jiitay halkaas ka jeediyey, ayaa si weyn u ammaanay hawlkarnimada iyo iyo sida uu u yahay mid caddaaladda ummadda ka shaqayn doona haddii uu hoggaanka dalka qabto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada laxaadka leh ee aad murrashaxeenna Muuse Biixi u muujiseen, midna ogaada oo codka aynu maanta siino murrashax Muuse Biixi waa hiil ummadeed, dariiq dheer oo xannuunkiisa lehna waynu soo marnay, laakiin maanta meel fiican baynu soo gaadhay, bani’aadamkuna had iyo jeer waxa uu haysto ma arko’e waxa qabyada ah ee ka maqan buu arkaa, maantana umaddeenu sinnaan, caddaalad, xaqsoor iyo midnimo ayey u baahan tahay, intaba waxa dammiin ka ah Muuse Biixi.”

Ambassador Cawil oo hadalkiisa sii wata waxa uu carrabka ku ballaadhiyey inuu murrash Muuse Biixi yahay yahay siyaasi hayin ah oo dalka wax badan soo gashaday, isla markaana naftiisa u huray waqti uu dhallinyaro ahaa, “Weligayba danta ummaddu meesha ay ku jirto caad igama fuulin, imikana waxa aynu gelaynaa marxaladdii ugu cuslayd shanta sanno ee soo socda, waxaana aynu u baahanahay madaxweyne go’aan qaadan kara, isku kalsoon, dalka wax gashaday oo naftiisa huray, dalkana meel gaadhsiin kara, ninkaasina waa Muuse Biixi Cabdi, umaddana in Muuse Biixi oo isaga oo dhallinyaro ah dalka naftiisa u huray inaan la simaa waa dembi weyn,” ayuu yidhi Ambassador Cawil.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa ku bogaadiyey sida xamaasadda leh ee ay isugu soo baxeen, waxaannu sheegay inay shacabka reer Maroodi-jeex caan ku yihiin taageerada KULMIYE, kuna suntan yihiin guulihii uu KULMIYE kasoo hoyn jiray doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay, waxaannu yidhi, “Reer Maroodi-jeex waxaannu ugaga mahadnaqaynaa intii doorashooyin Somaliland la galay mar walba  codkooda waxay siin jireen xisbiga KULMIYE, maantana intii iyo in ka badan baanu idinka sugaynaa, waynu is ahayn oo hore ayaad abaal u gasheen oo aad dawladdan u dhisteen, ta dambena inaad dhistaan baanu idinka  sugaynaa.” Murrashax Muuse Biixi waxa uu baaq u diray dhammaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaannu hogo-tusaaleeyey qorshe ay si fudud ugu heli karaan goobta ay ka codayn doonaan maalinta codaynta, “Dhammaanba muwaadiniinta codka bixinaysa waxa laga yaabaa inaanay goobtii hore ku noqonin, maadaama oo ay tiradii badatay, qof walbana kaadhkiisa ayey ku qoran tahay dhabarkiisa halka uu tegi doonaa, dhallinyarada wax akhridana waxaan ka codsanayaa  dadka waaweyn iyo waayeelkaba inta aanay kaxaynin ha eegaan goobta kaadhkooda ku qaran, sidii diiwaangelintiina yaan la wareerine qof waliba kaadhkiisa ha eego,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalka ah ee naga soo gaadhay Kulmiye.