Madaxweyne Siilaanyo Oo Gabiley Kaga qayb Galay Daawashada Ciyaar ka Dhacday Gegida Loogu Magac Daray MO FAARAX

0
1022

Madaxweynaha Oo Safar Ku Tegay Gobolka Gabiley iyo Wajaale Xadhigana Ka Jaray Mashaariic Kala Duwan

Waftigan balaadhan  oo uu hogaaminaayey madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay subaxi u kicitimay gobolka Gabiley iyo degmada wajaale, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashaariic tiro badan oo laga hirgeliyey gabiley gudeheeda iyo degmada wajaale, intii uu madaxweynuhu ku gudo jiray socdaalkiisa waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey jidka u dhexeeya Hargeysa ilaa Wajaale. Madaxweynaha oo ay shacabkiisu u yaqanaan  madaxwaynihii waxqabadka iyo horumarka ayaa boqolal ka mid ah shacbiga gobolka gabiley oo ay horkacayeen maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gabiley, salaadiinta, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada  iyo masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah xukuumadda iyo Xisbiga kulmiye  ayaa si diiran oo kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey duleedka magaalada gabiley iyo deegaamada gobolka cagaaran, waxaanay ujeedada safarkiisu ay daaranayd furitaanka maashariic halbawle u ah gobolka kuwaas oo uu hore u dhagax-dhigay madaxwaynuhu, isla markaana uu xadhiga ka jaray. Soo dhawaynta ka dib madaxwaynuhu waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal dawladda hoose ee gabiley dhistay looguna talogalay ganacsi, waddo laba haad ah  oo leh  solar system  dhexda laga raaciyey, Waddo kale oo iyaduna isku xidhaysa garoonkii hore kubada cagta iyo biriijka cusub ee garoonka casriga ah ee loogu magacdaray orodyahanka caanka ah ee Maxamed faarax waxaana dhamaan fuliyey mashaariicdaa mamulka dawladda hoose ee gabiley. Ka dib madaxweynuhu waxa uu u dhaafay gabiley dhinaca wajaale waxaana halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey weftiga madaxweynaha, waxaanu xadhiga ka jaray mashaariic waxqabad oo ay xukuumaddu ka hirgelisay togwajaale kuwaasi oo ka jawaabaya badiba baahiyaha shacabka degmadaasi waxana ka mid ahaa dhisme laba Dabaq ah oo loo bineeyey kastamka degmada wajaale, guriga martida, guriga shaqaalaha wasaradda maaliyada, Ceelka biyaha togwajaale  dhamaan mashaariicdaasi waxaa hirgalisay Wasiirka wasaaradda maaliyada marwo samsam cabdi Aadan oo wakiil uga ahayd madaxweynaha qaranka iyadoo fulinaysay balanqaadyadii madaxwayane Axmed Silaanyo u balan qaaday shacbiga deegaamadaasi wakhtiyo kala danbeeyey balse ku soo dhamaaday guul iyo midho dhal. Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu ku soo laabtay Magalaada Gabiley oo loogu sameeyey hadhimo sharafeed, waxaanu qadar nasasho ah ka dib ka qaybgalay ciyaar xiiso lahayd oo garoonka cusub ee Mo Faarax gabiley ku dhex martay Kooxaha Gaashaan iyo Goodir, Markii madaxweynuhu soo gaadhay goobtaasina waxa uu xadhiga ka jaray garoon caalamiya oo halkaasi laga hirgeliyey laguna furay ciyaartaa xiisaha leh, waxaana garoonka ku sugnaa fanaaniinta xidigaha geeska oo uu hormuud ka ahaa Abwaan Xasan Dhuxul Laab-salaax, waxaanay halkaasi ka qaadeen heeso waddani ah oo isugu jira dhiirigelin iyo gubaabo, daawashada ciyaarta kadibna waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka Gabiley, Xamse Maxamed Cabdi, Duqa degmada gabiley, Maxamed-amiin Cumar Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha yaasiin xiir faratoon, wasiirka warfaafinta, Caddaani, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Cabdirsiaaq waabari rooble iyo suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo dhamaantood ka markhaati kacay waxqabadka gobolka gabiley ay xukuumadda Xisbiga Kulmiye ka fulisay, waxaana madaxweynuhu uu shahaado sharaf ay ku maamuuseen waxgaradka iyo maamulka gobolka gabiley uu gudoonsiiyey Marwo Samsam Cabdi Aadan, ka dibna waxa ay maamulka gobolka gabiley shahaado sharaf loogu magic daray waxqabadkii madaxweynaha gudoonsiiyeen madaxweynaha qaranka sidoo kalena waxay siiyeen dhul dhan 1002 oo isku wareeg ah, waxaanu madaxweynuhu isla markiiba ku wareejiyey dadka dhimirka ah in loo dhiso loona dhagax dhigo dhulkaasi isaga lagu sharfay, waxaanu madaxweynuhu ku soo hayday caasimada Somaliland ee Hargeysa.