Xukuumadda oo Sababeysay Mucaawinno la Xanibay oo Imaaraadku soo Mariyay Khadiija Foundation

0
753
Madaxweynaha Somaliland oo Safar Abaaraha la Xidhiidha ugu Baxaya Gobollada bari
Madaxweynaha Somaliland oo Safar Abaaraha la Xidhiidha ugu Baxaya Gobollada bari

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in xaalad nabadgelyo awgeed loo hakiyey qeybinta Mucaawinno kala duwan oo Bisha cas ee Imaaraadku ugu deeqday bulshada Somaliland soona marisay Hay’adda Khadiija.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay in dacwad ka timid gobolka Sanaag oo la xidhiidhay in Hay’adda Khadiija qaab siyaasadeed uga faa’iidaysanayso mucaawinooyinka ay ka soo qaadaan bisha cas ee imaaraadka, ka dib markii la ogaaday inay waraaqahii dadweynaha caddaymaha loo siiyey xiligii diwaangelinta ka sawirtay (photocopy)goodii qaadatay, waxaanu yidhi, “Runtii ma jirto sifo kaloo loo xanibay mucaawinooyinka Hay’adda Khadiija ka shaqeyso, balse arrimo dhinaca ammaanka ayaa keenay, xilligan aynu ku jirno wakhtiga xasaasiga ah, ka dib markii dacwad ah in arrimo siyaasadeed looga faa’iidaysanayo lagu soo eedeeyey.”
Wasiirka Diintu wuxuu intaas ku daray in Marwo Hoodo Cali Fidhin sheegtay in sababta ay u sawiratay waraaqahii muwaadiniintu isku diwaangeliyeen ay tahay inay ugu xaqiijiso hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka inay xaqiiq yihiin dadka ay mucaawinada u doonaysaa.
“Waxay noo sheegtay marwo Hoodo in sababta ay waraaqaha caddaymaha ah dadka u sawiratay ahayd si ay ugu xaqiijiso, caddeymana uga dhigto Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka inay jiraan dadka ay mucaawinada u doonayso xafiiska hay’adaas oo kaliyana ay geysay.”
Wuxuu bulshada iyo dhinacyada eedaha soo jeediyey ugu baaqay inaan la siyaasadayn arrinkan, marka lagu wada qancana la qeybin doono, waxaanu yidhi; “Wakhtigan dalku xaaladaha doorashada gelayo, ma habboona in arrimo aan xaqiiq ahayn lagu hadlo ama masuuliyiin lagu eedeeyo. Xukuumadda waajib baa ka saaran in wixii xaalad abuuraya wakhtigan la xakameeyo. Waa la qeybin doona mucaawinnada marka la baadho arrimaha shakiga keenay, madaxda hay’adaha amaanka ayaa bixiyey amarka hakinta qeybinta mucaawinada oo gaadhaysa 28 kontiinar, ka hor intaan natiijadeedu soo bixin.”

Dhinaca kale, Gudoomiyaha hay’ada Khadiija, Marwo Hoodo Cali Fidhinm ayaa sheegtay inaanay xog-ogaal u ahayn eedo galabta (shalay) maamulka, ardayda iyo waalidiinta dugsiga Sh. Zayed International u jeediyeen Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Adan iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan.
Marwo Hoodo oo Wargeyska Dawan la xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo sababaha keenay eedo maamulka, ardayda iyo waalidiinta dugsi Agoomaha lagu xanaaneeyo oo ku yaal magaalada Burco shalay galab u jeediyeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ay ku eedeeyeen inay ka hortaagan yihiin mucaawinooyin raashin ah oo lagu hakiyey dekedda Berbera, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan, waxaanay xidhatay telefoonkeeda gacanta markii uu weriyuhu u sheegay ujeeddada macluumaadka hay’adeeda ku wajahan.

Sidoo kale, masuul ka tirsan wasaarada Qorsheynta Qaranka ayaa xaqiijiyey inaanay Wasiirka Maaliyadda Marwo Marwo Samsam Cabdi Aadan, wax shaqo ah ku lahayn xanibaada mucaawinooyinka u socday xarumaha ay maamusho Hay’adda Khadiija,balse ay hakiyeen guddi xukuumaddu u saartay xal u helideeda, isla markaana wada xaajoodkii lagu xalinayo arrintani uu socday.

Horaantii sannadkan ayaa Hay’addan lagu mudaharaaday magaalada Ceerigaabo, ka dib markii la caddeeyay inay dadka ka urursatay waraaqihii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Komishanku bixiyay waxaanay qof kasta ka qaadaysay lacag dhan shan doolar. Taasina waxay dhalisay in ay dacwad ka soo gudbiyaan masuuliyiinta gobolka Sanaag oo ka shakiyay mucaawinnadan siyaasadeysan.

Xogahan ayaa la raaciyey inay jirtay dacwad Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falaay iyo dhinacyo kale ka soo gudbiyeen hay’adda Khadiija, oo la xidhiidhay inay hawlo siyaasadeed la xidhiidhay mucaawinno qaybta Hay’addaasi fulinaysay bilihii la soo dhaafay taasi oo keentay shaki xoog leh.