Hadii Cid Lagu Calaamadinayo Qabyaalad, Kala Furfur Iyo Kala Qaybin, Waxaannu Leenahay Xisbiyada Mucaaridka Ayaa Dhawaaq Dheer Ku Dhiga

0
768

Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer miiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare,  ayaa maanta gaadhi ku wareejiyey degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh.

Gaadhigani uu loogu taloo galay degmada ayaa waxa bixisay Xukuumadda Somaliland, waxana munaasibad lagula kala wareegayey jog-joog aha ahaa Maayrka degmadaasi, cuqaasha, qaar ka mida siyaasyiiinta degmadaasi, waxana halkaasi khudbad ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada oo yidhi “ Runtii waa munaasibad kooban laakiin xambaarsan nuxur ka weyn gaadhiga halkan lagu wareejinayo maamulka degmada Xaaji Saalax, oo marka la eego taakulo ahaan gaadhi waa wax yar, laakiin waxaan is leeyahay nuxur weyn oo kale ayuu xambaarsan yahay, ma xambaarsana nuxur siyaasadeed oo ah wakhti doorasho soo dhawdahay gaadhi lagu xod-xodanayo codka Xaaji Saalax, ma aamin sanin inay xambaarsan tahay, laakiin waxaannu aamin-san  inay xambaarsan tahay hilow iyo kalgacal.”

“ Gobolka Daad-madheed wuxuu ka mid yahay deegaanada xisbiga KULMIYE uu codka weyn ku lahaan jiray, meelihii Madaxweyne Siilaanyo laga doortay, doorashadii Gollaha Wakiilada meelihii uu KULMIYE ka soo saaray xildhibaan, ilaayo 2002-dii doorashadii gollaha deegaanka gobolka Daad-madheed iyo degmada Xaaji Saalax, waxa ay ahaayeen goobo KULMIYE uu aad u xasuusan yahay.”

 

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Madaxweyne Siilaanyo, xisbiga KULMIYE ee Wasiir Shugri Bandare ka mid tahay, waxa gobolkaa laga qabtay wax weyn, xalay waxa warbaahinta laga sii daayey filinkii gobolka Daad-madheed wixii laga qabtay, indhihii caafimaad qabaa way arkayeen wixii laga qabatay, gobol walbana waa sidaa, waxaanu leenahay Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE way u abaal gudeen, dadkii u codeeyey, ee codkooda u hibaayey 2010-kii, maantana isku ciil-kaan biyi maayaan doorashaday doorteen, Axmed Siilaanyo oo muddo xileedkiisii bil ugu hadhay oo xilka wuxuu wareejin doona laba bilood ka dib, isku ciil-kaan biyi maayaan fartana dhexda ka qaniinimaayaan, maanta ma laha waar waxaynu raacnay maxay ahaayeen?, maanta way faanayaan taageerayaashii KULMIYE, way tookhayaan waxa ay leeyihiin xisbigayagii waa kaas wax qabatay.”

 

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay qaabkii ay dalka u maamuleen waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aannu aamin-san nahay kuwii xisbiga KULMIYE ka codeeyey 2010-kii, maanta nooma ciil-qabaan cadaalad darana tirsan maayaan, waayo wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u maamulay dalka si siman oo cadaalad ah, oo aan salka ku hayn codkii qaabkii uu u dhacay, filimadaas aannu soo daynay ayaa muujinaya in aan loogu kala badin xitaa sidii loo kala codeeyey, waxa kale oo ay muuqaaladaasi muujinayaan in aanay dalkan ka jirin dad gaar ah oo xuluf ah oo xeegaan wadaag leh, Qaran kuma dhismo qoys iyo laba qoys oo xulufo noqda ama jeegaan noqda ama xabaadh noqdo, Qarankani waa qaran ballaadhan, waa Ummad ballaadhan, hoggaamiyaha madaxweynaha ka noqdaa wuxuu u sameeyaan qaab, taariikhda ayaa qiri-doonta Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka tagaya iyo xisbiga KULMIYE dalka siday u maamuleen. Dad badan ayaa odhan jiray KULMIYE haduu tallada qabto dagaalo sokeeyo ayaa dhacaya waa lays dilayaa, dadka waa laysku dhufayanayaa, waa la dir soocayaa, waxaannu leenahay Madaxweyne Siilaanyo oo hoggaamiye waayo arag ah oo ballaadhan, xisbiga KULMIYE-na waa xisbi waayo arrag ah, waxaan leeyahay dalka waxaannu ku dhaqnay siyaasad waayo arag ah, waxaannu ka tagaynaa dal midaysan, oo xuduudihiisu sugan yihiin, waxaannu maanta ka tagaynaa ummmad wax wada leh, oo nidaam dawladnimo ka dhaxeeyo.”

 

“ Annagu waxaanu nahay xisbi dadka ururinaya, Umadda meel ku wada shubaya, xisbi qaran ayaannu nahay hadii cid lagu calaamadinayo qabyaalad iyo kala furfur iyo kala qaybin, waxaanu leenahay xisbiyada mucaaridka ayaa dhawaaq dheer ku dhiga, tabahaana yaqaana, anaggu kuwa dadka ururinaya ayaanu nahay.”