Haweenay Isku Dayday Inay U Dhacdo Qasriga Boqorada Ingiriiska Oo Gacanta Lagu Dhigay !

0
858

Qasriga ay degan tahay boqorada dalkaasi ayaa ah mid aad loo ilaaliyo, laakiin haweenay da’deeda lagu sheegay 30jir ayaa isku dayday inay ka dhacdo deyrka qasrigaasi si ay gudaha ugu gasho qasriga,haweenaydan, iyada oo ka dhacday dayrka birta ah ee ku xeeran qasriga Bacgnham ee ay degan tahay boqoradu kadib markii ay gudaha u gashay dayrkaasi waxa gacanta ku dhigay laba askari oo ka tirsanaa ilaalada qasriga ilaa iyo haatana ma cada ujeedada haweenaydan,

laakiin muuqaal ay duubtay suxufiyad ku sugnayd goobtaasi oo u dhalatay dalka Malasia oo la yidhaahdo Aidilia Razak oo wargeyska ka soo baxa dalkaasi ee The Sun uu baahiyay oo Wargeyska Himilo kasoo xigtay ayaa muujinayay haweenaydaasi oo ku dhawaaqaysay erayo aad u fool xun oo ay ku af-lagaadaynayso boqorada iyo dalka Britain.