DAg Dag:Siyaasiyiin Miisan Ku Leh Bariga Burco Oo La Filayo Inay Ka Shiraaqdan KULMIYE Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Jara-Oodan Geliyey Guusha Muuse Biixi

0
820

Tan iyo markii indhaha iyo dheggaha bulshada reer Somaliland usoo gaadhay dhawaaq wada-reedkii kasoo yeedhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cabdilahi Suldaan Cali, waxa marba marka ka dambaysa soo ifbaxayey dareeno xambaarsan iaf-faalayaal kala gedisan, oo isaggu jiraa ficil celin Siyaasadeed oo ku aadan dhawaqa labada Suldaan iyo aragtiyo bulshaddu ku jidh diidayeen arrinkaa labada Suldaan ka dhawaajiyeen, iyagoo u tu’dhaayey taabbo qaadka hanaanka Dimu-quraadiyadeed ee Qaranka Somaliland cagta saaray.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cabdilahi Suldaan Cali, oo kamid ah Sullaadinta ugu faca-weyn Somaliland, ayaa Axaddii todobaadkan Magaaladda Burco kaga dhawaaqay in labada Beelood ee ay hoggaamiye dhaqameedka u yihiin ku heshiiyeen inay wada-dhisan Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, sidaasna waxay xuseen labada Suldaan, inay ku go’aansadeen arrinkaa Shir ergo labada Beelood ka socotay ku dhex-maray Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Inkastoo dhawaaqa labada Suldaan, aanu ahayn hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayey, balse haddana uu ahaa weedho kooban, oo nuxurkoodu kusoo ururayey in labada Beelood ku heshiiyeen inay wada-dhisan Musharaxa madaxtimada ee Xisbiga KULMIYE, hase-yeeshee dhawaqaasi docda kale waxa uu qoloftii ka qaaday nabar hoosta ka bukay, dushana laga moodayey inuu bogsadday, kaasoo in muddo ahba hareerihiisa dhidh ku wareegsanaa, balse xoqashada gacanta laga dhawrayey, iyadoo baqa looga qabay xoqosho daa’yo hadii la taabto jawaabta ka iman doontaa tahay mid uu ku go’ay xidhiidhka rajada labada dhimac.

Haddaba, markii todobaadka taasi dhacday, waxa durbadiiba go’ay xidhiidhka iyo damacii ku dhisnaa Siyaasadda qori isku dhiibka, kaddib markii dhawaqa odayaal dhaqameedku fariintii u xambaarsaa laga waayey saamigii marka laga tago musharaxa KULMIYE ee docda kale oo ah dumaasha gudoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, arrinkaasoo ah midkii arramidiisu dhex fadhiday nabarkii hoosta ka bu’kay ee aynu kor kusoo sheegnay, inkastoo arrimo dhaqan oo jira awgood ay tahay masalo adag dhanka bariga in la maqlo ama la arko Sullaadin ama kooxo kale oo beeninaya hadalka Suldaankooda Guud Suldaan Cabdilahi Suldaan Cali, haddana marka la eeggo jawiga iyo cimmilada, waxa muuqda dhaqdhaqaaqyo ay dabada ka riixayan qaar kamid ah Siyaasiyiintii damacu ka hayey in la siiyo jagada dumaasha Gudoomiyaha KULMIYE ee mustaqbalka, dhaqdhaqaaqyadaas qaarkood, waxay in-shaaro u yihiin in Siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE inay u digo rogan doonaan Xisbiga UCID, waxana dareemada arrinkaa in-shaaray tilmaameen inay xubnaha ka bixi doonaa Xisbiga KULMIYE ay kamid yihiin Xildhibaan Ibraahin Rayte iyo Siyaasi Cali Kubad iyo xubno kale oo xuluf la ah.

Teeda kale, doogta iyo dacarta Siyaasadeed ee dhawaqii odayaasha Burco, debeda usoo saaray waxa kamid ah kelmado si marka loo eeggo shareeran, marka si kale loo dhigana u muuqday kuwo tilmaamaya mawqifka Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi eek u aadan mustaqbalkiisa Siyaasadeed iyo aragtidiisa dhawaqii Sullaadiinta ee Burco, hadallada shedan ee marna shareeran wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi waxa kamid ah, kelmado uu ka yidhi Xaflad loo qabtay Wershad cusub oo laha hirgeliyey Magaaladda Hargeysa, kuwasoo ahaa qaar Wasiirku u dhigay inuu isbar-bar dhig ku samaynaayo labada Murashax ee Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, balse haddana ma u caddayn Wasiirku dhaqamada iyo meelaha ay ku kala wanaagsan yihiin ama ku kala duwan yihiin labada Murashax, hadallada isku shaqlan ee madasha wasiirku ka jeediyey oo kooban waxa uu yidhi.

“..Anagu Murrashaxa aanu wadno odhan mayno waa mac-suum, odhana mayno dhaliil ma le’e, waxa’se aanu leenahay hadii aan labadaa oday is barbar-dhigo, Cabdiraxmaan Cirro waa nin wanaagsan, waxaan qirayaa inuu yahay nin wanaagsan, waxa’se aan is leeyahay Somaliland maanta waxay u baahan tahay hoggaamiye wanaagsan ee uma baahna nin wanaagsan, ninka wanaagsan iyo hoggaamiyaha wanaagsanina waa laba kala duwan, qofku inuu noqdo qof wanaagsan waa shay, inuu hoggaamiye wanaagsan noqdaana waa shay labaad..”.

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi, waxa uu intaasi ku daray; “..Waxaan leeyahay Somaliland maanta waxay u baahan tahay hoggaamiye adag, oo duruufahan adag ee ku xeeran kala dabaasha. Sidoo kale Somaliland hoggaamiyeyaasha cusub waxa hor yaala hal-xidhaale adag waayo waxa ka horeeyey Madaxweyne waayo-arag ah, hal-abuur leh, hoodo iyo nasiib leh oo Somaliland duruufo badan kala soo dabaashay, hal-xidhaale adag ayaa shacbiga Somaliland horyaal oo ah inay kala doortaan sadexdaa murashax, shacbiga ayaanu u daynaynaa jawaabtana muddadaa sodonka maalmood ku dhow ayey ka jawaabayaan..”. Ayuu yidhi Wasiirku. Isku soo wada xooriyo marka siyaabo badan loo eego xaaladaha iyo arrimaha jira, waxa muuqda, inuu jiro wareer iyo waaqle dambe oo kusoo wajahan Xisbiga KULMIYE, ka hor dorashada Madaxtooyadda.