ADDIS ABABA:Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Addis Ababa Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Qaabilay

0
822

ADDIS ABABA:Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa meeqaam heer sare ah oo diblumaasiyadeed loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa oo gaadhay magaalada Addis Ababa shalay galab, ayaa madaarka diyaaradaha ee caasimadda Itoobiya lagaga galbiyey gaadiidka loogu talogalay in lagu qaado diblamaasiyiinta maamuuska sare leh, iyadoo markiiba uu gudo galay hawlaha shaqo ee uu u tagay halkaasi iyo kulamo kala duwan oo uu la qaatay madax ka tirsan dawladda Itoobiya.

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu oo wadahadal ay yeesheen ay ku falanqeeyeen qodobo ay ka mid yihiin; jaar-wanaagga, xoojinta arrimaha iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo sidii loo sii adkayn lahaa wadashaqaynta xoojinta ammaanka labada dhinac iyo guud ahaan gobolkaba, kuwaas oo ay si fiican iskugu afgarteen.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE waxa weftigiisa xubno ka ah Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha gaarka ah ee Murrashaxa KULMIYE Mr. Mubaarik Ismaaciil Taani.