Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco iyo Galbeedka Hargeysa Oo Sheegay Inay Ku Heshiiyeen Taageerada KULMIYE

0
800

Shir u dhexeeyey beelaha bariga Burco iyo galbeedka Hargeysa ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Burco shalay.

Labadan beelood oo ay kala hogaaminayaan labada Suldaan ee labadaasi beelood ayaa ku heshiiyey inay codkoodda siiyaan xisbiga KULMIYE.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awdal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaanka guud ee Beelaha Habar jeclo Suldan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa ka hadlay ujeedadda shirkoodda, waxaanay shaaciyey waxay labada beelood ku heshiiyeen.

“Shirweynihii labada beelood ee beelaha habar jeclo iyo Beelaha Subeer Awal uga socday magaaladda Burco ayaa maanta ku soo gabogaboobay is afgarad iyo guul, waxa shirkaasi ka soo baxay in la adkeeyo qaranimadda iyo jiritanka Somaliland, iyo in la adkeeyo nabadgalyadda guud ee dalka oo beelahan iyo beelaha kale iska saaraan, waxa kale oo ay labadda beelood soo saareen ka dib markii shir muddo dheer u socday maadaama oo maanta inagu soo dhowdahay doorashaddii madaxweynenimadda, maadaama oo xisbiga kulmiye waxqabad badan uu dalkan ka qabtay,sidaas darteed waxay labadda beelood isku raaceen inay dhisaan oo ay taageeraan musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici”ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awdal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay suldaanka guud ee beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali, waxaanu yidhi “ waxa halkan iskugu yimid beesha Habar jeclo iyo Beesha Habar Awdal oo falanqeeyey mustaqbalkoodda iyo aayahooga waxay isla garteen inay mawqif isla gartaan siyaasadda maanta socota, oo ay taageeraan xisbiga KULMIYE, umadda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay nabadgalyada ilaaliyaan oo ay xoojiyaan, doorashada waa in ceeb la’aan iyo walaaltinimo lagu gala doorashadda,”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay cuqaasha labadda beelood ee kale, kuwaas oo sheegay inay taageereen mawqifka labadda suldaan ee guud, kuwaas oo si wada jir ah u sheegay inay taageerayaan xisbiga KULMIYE.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muddo gaaban ka hadhsan tahay doorashaddii madaxtooyadda waxa isa soo taraya loolanka xisbiyadu ugu jiraan siday u kasban lahaayeen beelaha Somaliland.