Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Si Wayn U Naqdiyey Prof Axmed Ismaaciil Samater, Kana Sheekeeyey Taariikhda Muuse Biixi ee Wakhtigii Halganka iyo Markii Uu Wasiir Daakhiliga Ahaa

0
1101

“Barafasoorku Wuxu Islahaa Ammaan Muuse Laakiinse Waxaan U Arkaa Inuu Ku Qarxiyey Miino Aan Wakhtigan Ololaha Loo Baahnayn”

“Muuse Kolkii Uu Joogay SNM-ta Inuu SNM U Xidhaa Oo Kiis Dil Mutaystay Uu U Xidhnaa Barafasoorku Ma Oga Ama Wuu Iska Qariyey” Ismaaciil Hurre Buuba

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga WADDANI ayaa aad u naqdiyey Proffesor Axmed Ismaaciil Samater oo dhawaan dalka soo gaadhay isla markaana barnaamijyo siyaasi ah jeediyey.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa si ba’an u naqdiyey hadal ka soo baxay Axmed Ismaaciil Samater kaasoo sheegay inuu Muuse ku doortay laba sababood oo uu sheegay inay kala yihiin sumcaddii uu ka dhaxlay halgankii SNM iyo sida uu sheegay wakhtigii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa oo uu Muuse hogaamin wanaagsan wakhtigaas muujiyey lana mahadiyey.

Hase yeeshee Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Proff Axmed Ismaaciil Samater uu sidaas uga hadlo taariikh qoyan oo dhawaan uu dhacday, waxaana uu ka waramay xaalladda uu Muuse Biixi ku sugnaa labadaas xilli ee kala duwan oo uu uga hadlay si ka duwan Axmed Ismaaciil Samater, ugu horrayna wuxu yidhi:

“Runtii Proffaser-ku Muuse ammaan buu islahaa laakiin se miino ayuu ku qarxiyey anigu sidaan u arkayay waxaanan jecelahay laba arrimood inaan soo qaado, labada arrimood oo ah wakhtigii uu Muuse ahaa SNM-ta oo Proffasor-ku uu yidhi waaga wuxu ku mutaystay shaqo wanaagsan iyo hogaamin laakiinse ayaan darro barafasoorku waxaanu ogayn laba arrimoo: muu ogayn bay ila tahay ama hadilmee wuu iska yara qariyey inuu Muuse kolkii uu joogay SNM-ta uu u xidhnaa SNM-ta oo waliba kiis aad iyo aad u khatar ah oo dil mutaysta uu u xidhnaa oo hadilmee jidgooyo uu ku sameeyey guddoomiyihii ururka oo markaas Axmed Maxamed Siilaanyo arrintaas haddii uu barafasoorku ogyahay ama uu u fiirsado kumuu tilmaameen Muuse waxqabad iyo dhaqan wanaagsan ku suntan muu lahayn Muuse wakhtigaas dadka ururka ku wada jirayna way isla ogaayeen. “

Sidoo kale Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay sifooyinka uu Muuse ku sifoobay wakhtigii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha, isagoo ku eedeeyey inuu qayb ka ahaa dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana uu yidhi:

“Ta labaad ee uu barafasoorku soo qaaday ee uu yidhi wuxuu Muuse ku mutaystay madaxnimo iyo kartiba kolkii uu ahaa wasiirka daakhiliga ee xukunkuu Maxamed Ibaarhim Cigaal, runtiina waynu ogsoonahay dhibaatada dadka Somaliland oo dhan iyo arrimaha foosha xun leh ee wakhtigaas loo aaneeyey Muuse inuu isagu ka dambeeyey oo dagaalkii sokeeyey ee ka dhex dhacay Somaliland hadilmee inuu isagu ahaa ninkii sababay oo runtii ka dhigay iyadoo qayb ka mid ah SNM ay mawqif siyaasi ah sheegatay ka dhigay arrintaasi lagu barakiciyo dagaal qayba dhan oo dadka reer Somaliland, labadaas arrimood ee uu soo qaaday waxay ila tahay inay aad u muujinayaan inaanay barafasoorka inaanay si wanaagsan uga dhaadhicin taariikhda qoyan ee Somaliland, waxa laga yaabaa barafasoornimo iyo nin cilmi leh weeyaan laakiinse arrimahaas uu soo qaaday ee uu is yidhi Muuse ku ammaan waxay ila tahay inuu miino ku qarxiyey aan looga baahnayn wakhtigan ololaha lagu jirana Muuse dhibaato maahane aan wax kale u keenayn”.