Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha Oo Sheegay In Beesha Muuse Biixi Ka Soo Horjeedo In Maxamuud Xaashi Lagu Wareejiyo Xisbiga KULMIYE

0
775

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha Maxamuud Dhabeeye ayaa sheegay in umadda bariga iyo galbedkuba xiisanayaan in guddoomiyaha KULMIYE lagu wareejiyo Maxamuud Xaashi, waxaase uu sheegay in beesha Sacad Muuse aanay jeclayn in xisbiga Maxamuud Xaashi lagu wareejiyo.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa waxaa uu si cad u sheegay in Maxamuud aanu wax taageero ah ku haysanin oo qudha beesha uu ka soo jeeda Musharax Muuse Biixi walow aanu sheegin wax sabab ah oo uu arintaasi ku saleynaayo

Agaasimaha ayaa sidan ku shegay qoraal kooban oo uu faallo kaga bixinayay qoraal baraha bulshadu ku kalanto ee Facebook la soo dhigay waxaana uu yidhi:

“Maxamuud KULMIYE wuxuu ku leeyahay tacab wayn illaa maalintii la dhisayay illaa maanta oo aad sheegayso, bariga oo qudhana maahee halkan (Hargeysa) xitaa way ka jirtaa beesha Murashaxa (Muuse Biixi) mooyee warka (ku saabsan guddoomiye-nimada KULMIYE ee Maxamuud Xaashi) inta kale way sugayaan”  ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda ciyaaruhu.