Murrashaxiinta KULMIYE oo Xadhigga Ka Jaray Xafiisyo Cusub oo uu Xisbigu ku Yaalan doono Deegaanka RUQI

0
808

Murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo uu xisbiga KULMIYE ku yeelan doono deegaanka RUQI oo katirsan degmada Baki ee gobolka Awdal.
Murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE oo hawlo shaqo ku jooga goobolka Awdal, ayaa maanta deegaanka RUQI ee degmada Baki u tegay furitaanka xafiisyo cusub oo arrimaha xisbiga laga maamuli doono, waxana socdaalkooda ku wehelinayey xubno kooban oo ay kamid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, wasiirrada wasaaradaha shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Xidhiidhka goleyaasha Md. Maxamed Cabilaahi Obsiiiye iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka Awdal, maamulka degmada Baki iyo xubno kale.
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabilaahi Obsiiyo oo hadal kooban ka jeediyey xadhig ka-jaritsa xafiisyadan, ayaa sheegay inay bud-dhig u noqon doonaan ololaha xisbiga ee doorashooyinka soo socda, isla markaana ay taageerayaasha xisbigu ku kulmi doonaan.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka deegaanka RUQI uga mahadnaqay abaabulka ay ku jiraan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay door firfircoon ka qaataan arrimaha xisbiga KULMIYE xilliga doorashada.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa isaguna shacabka deegaanka RUQI ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan inay kaalin mug leh ka qaataan ololaha xisbiga, waxana uu sheegay in xafiisyada cusub ee halkaas laga furay ay noqon doonaan xarumo ay ku kulmaan taageeraasha xisbigu, isla markaana ay ku maareeyaan arrimahooda la xidhiidha ololaha iyo weliba qorsheyaasha gaarka u ah.