Xildhibaanad Baar Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Uga Yimid Marwada Qaranka Aamina Waris- “Halkan Waxaan Ku Hayaa Wargeys, Waxa Ku Qoran Marwada Madaxweynaha”

0
1183

Xildhibaan Baar Siciid Faarax Oo Ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka jawaabtay eedayn kaga timid Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamuud Jirde,taasi oo ku saabsanayd inay Xildhibaan Baar oo keligeeda haweenka kaga jirta Golayaasha Baarlamaanka ay ka soo horjeedsatay kootadii Haweenka Kuraasta khaaska ah loogu xidhayay,waxaanay Xildhibaan Baar ka gilgilatay eedayntaasi oo ay ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin,waxaanay iyaduna dhinaceeda Marwada u soo jeedisay Eedaymo kale oo culus.
Xildhibaan Baar oo shalay Warbaahinta la hadashay kana jawaabtay eedaynta Marwada Madaxweynuhu u soo jeedisay ayaa waxa ay ugu horayn hadalkeeda ku bilawday sidan“Halkan waxaan ku hayaa Wargeyskii Dawan,Dawan ayaa halkan yaala,Gabadii Madaxweynaha ayaa ku qoran,Waxay ku soo qortay Xildhibaanka keli ah ee kujira Golaha Baarlamaanka, Waxay ka codaysa Kootada Haweenka,Markhaati ayaan leeyahay anigu,Markhaati waxa ii ah Xildhibaanada haweenkii fadhiyay,Maalintaas oo ay Nagaad ka mid ahayd,iyo Somaliland oo dhami, Canjaladiina waa la hayaa, Waan ka Xumaha Marwadeenii Qaranku inay beenta beenta intaasi leeg sheegto”.
Waxa kale oo ay tidhi“Waxaan isleeyahay Talaw Gabadhu ma xogbaanay hayn mise way badheedhay,Mise waxay ilawsan Tahay Somaliland haweenkeedu,Waliba Haweenka waa weyn ee aan yaraantii tacliinta la gayn,Iskuul qudha ayay lahaayeen,Iskuulkeena Marwada Qaranka ayaa huteel ka dhigatay, intaa miyay ilawday Talaw markay aniga beenta iga sheegayso,aad iyo aad ayaan uga xumahay inay Marwadii Qaranku beenta intaasi leeg iga sheegto,aniga Haweenka Reer Somaliland oo Nagaad ku jirto ayaa ii markhaati ah,Golaha Wakiiladda ayaa ii markhaati ah,haddii aan halka ay joogto joogi lahaana haweenka iyo Ubadka Somaliland Sidaasi ma noqdeen, Waan ka xumahay,Ismoog Aqalkay Aslaysaa!!!”. Ayay hadalkeeda ku soo koobtay xildhibaanad Baar.

Comments