“Shirka Beelaha Biciide Yoonis, Iyo Buraale Yoonis Waxaanu Qiraynaa Inuu Yahay Shir Qiimo Badan Oo Wax Wanaagsani Ka Soo Baxeen, Xukuumad Ahaana Waanu Soo Dhawaynaynaa.” Wasiirk Madaxtooyada JSL .

0
1055

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hogaamiyey wefti ballaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo ayaa shalay ka qayb galay gunaanadka shir beelaha Beelaha Biciide Yoonis, Iyo Buraale Yoonis ee beesha Habarjeclo ay ku lahaayeen deegaanka Dooxa Dagaar ee gobolka Sanaag.

Shirka oo maanta soo gabogaboobay isla markaana go’aamo laga soo saaray ayaa waxa khudbad ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaannu yidhi “ Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan marti sharafta qiimaha badan ee madashan isugu timid, haday tahay beeshii marti-qaadka lahayd iyo intii lagu marti qaaday, si gaar ah waxaan u salaamayaa waxgaradka cuqaasha, salaadiinta guud, madaxda halkan inala joogta iyo masuuliyiinta dawladda dhamaantoodba waxaan leeyahay Asalaamu Calaykum. Shir aad u qiimo badan weeye, adoomuhu ILAAHAY dhulka markhaati ayey ugu yihiin, wixii laga markhaati kaco ee ummaddu isku raacdo waa wax sugan, wax riyo iyo been ah iskuma raacdo, waxaanu qiraynaa in shirkani uu yahay shir qiimo badan oo wax wanaagsani ka soo baxeen, sidaa darteed waxaannu la qabnaa waxgaradkii, beelihii iyo guurtidii halkan ka hadashay ee lagu soo marti qaaday hadaanu nahay Xukuumadda Somaliland, waxaanu soo dhawaynaynaa dhammaan go’aamadii halkan ka soo baxay, waxaanu taageeraynaa go’aamadii wanaaga iyo wada-noolaasha ummadda gobolka Sanaag iyo bulshada Somaliland dhammaanba saameynta ku lahaa.”

Wasiir Xaashi ayaa intaasi ku daray “ Beeshani waa beel caan ku ah nabadda iyo guurtinimada, halkan kama filayno dad, dadku ka filayey shar, mar hadii ay isu yimaadeen waxgaradkii, aqoonyahankii iyo miidii beelaha Biciide Yoonis, iyo Buraale Yoonis, golaheenan maanta iyo halkan ayey ka muuqataa, waxaanu leenahay hambalyo, waannu bogaadinaynaa, waxa u qarsoon ee halkan laga sheegayna waa wixii ay gaarka u lahaayeen, sharna ka fili mayno, “ War xumi dugsi ma fadhiisto ayaa la yidhi”, haday xumaan halkan ku qarinayaan Ummaddaas oo dhan halkan isugumay yeedheen, waanu bogaadinayaa shir gudoonkii shirka sida wanaagsan isugu duba-riday, guddidii qaban-qaabada, ergooyinkii iyo salaadiintii beesha dhammaanba waanu bogaadinaynaa.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa jeedta kalena ka hadlay bilowgii shirkan oo lagu kala aragti duwanaa iyo kaalintii ay ku lahaayeen isugu soo dhawyantii dhinacyadii isku hayey waxaanu yidhi “ Shirkani wuxuu ahaa shir wakhti xasaasi ah la qabtay, beelaha Biciide Yoonis iyo Buraale, waxa jirta markii shirka la qaban-qaabinayey in lagu kala aragti duwanaaday qabashadiisa beelaha Baciide iyo Buraale ma jirin cudur, caqiibo xumo iyo dhibaato dhex taalay, kumanana ogin qaybsan siyaasadeed iyo khilaaf dhaqan, laakiin waxa lagu kala aragti duwanaaday waar shirka ma hada ayeynu qabanaa wakhtigan mise dib ayeynu u dhignaa, arintaas waxa laga yaabaa in dad badani ay hadalo talantaali ah ka arkeen warbaahinta, waxaan ku bogaadinayaa salaadiintii iyo guurtidii xalisay, waxaanu ka mid ahayn dadkii isu jiiday ee aragtidaa ka shaqeeyey in khilaafkaas la bi’iyo shirkuna uu wakhtigan qabsoomo, waxaanu ku kalsoonayn in aan wax xumaani ahi ka soo bixi doonin, Dawladduhu wax ka shaki badan, hadaanu balo ku ognahay dee maanu ururineen.”

Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada ayaa geesta kalena iftiimiyey sababta ay Xukuumad ahaan uga qayb galaan una dhiiri galiyaa shirarka ay beelaha dalka qabsadaan waxaanu yidhi “ “ Siyaasada Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxa weeye inay dhiiri-galiso bulshada Somaliland, bulshadu waxay u samaysay tahay, qoys iyo beelo ayaa qarankani ka kooban yahay, qabyaalada ma dhiiri-galino, hasayeeshee Hawraareey ninba si kuu qaaday ayaa la yidhi, waxaanu dhiiri-galinaa inay beeluhu ururaan wax qabsadaan, amniga ka shaqeeyaan, horumarkooda ka shaqeeyaan, beeshan oo kaliyana maaha ta aanu dhiirigalinay, ee dhammaan beelaha Somaliland oo dhan weeye, maadaama oo aannu nahay Xukuumadii tallada dalka haysay, siyaasada Madaxweynuhu waxa weeye in lagu dhiirigaliyo shirarkaas, gunaanadkooda waxaanu la tagnaa duco iyo dardaaran.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena u jawaabay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi C Xasan oo ku baanay inay xisbiga Waddani uu cod weyn ka heli doono gobolka Sanaag, waxaanu yidhi Mudane Xaashi “Maanta halkani madal siyaasadeed maaha duco iyo hambalyo in laga yidhaa ayuubaa mudan, waxaanu leenahay reerkani waa reer weyn oo ballaadhan oo daga ilaa sadex gobol oo dalka ka mid ah, waa bisayl waar nin-walowba darkaaga ka darso, wixii raganimadaadu kuu goysana xisbi walowba waa nasiibkaa, waanu ku bogaadinaynaa, waxase aanu laanahy nin waliba wuxuu gashaday ayuu leeyahay, xisaabtuna way iska iman, gollahana maaha. Inaadeerkay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkan hadalado yidhi, oo yidhi halkan wadaan wayn ayaanu ka darsan doonaa gobolka Sanaag codadkiisa, waxaan leeyahay codadka Sanaag oo kaliya iskuma hayno, waxa aynu isku haynaa, Sanaag, Togdheer, Sool, Awdal iyo gobollada dalka oo dhan ayaa xisbiyadu isku hayaan oo ninkii wadaan weyn ka darsanaya iyo ninkii mid jeex ah ka daranayaba fardo laysku hayo maxaa layska faanin ayaan leeyahay.”