Musharax Cirro Oo Baligubadle Kaga Qaybgalay Munaasibad Loogu Fooladeynayey Haldoorka Gobolada Hawd/Hargeysa Oo Taageero U Muujiyey Xisbiga Waddani

0
867

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Siyaasiyiin, haldoorka gobolka Hawd iyo guddida horumarinta beelaha Arab oo taageero buuxda u muujiyey xisbiga Waddani.

Munaasibada soo dhaweynta ah oo ay hadalo ka soo jeediyeen Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Siyaasiyiin iyo Guddida horumarinta Beelaha Arab ee Afgarad oo maanta ka dhacay magaalada Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa taageero buuxda loogu muujiyey xisbiga Waddani.

Waxaanay guddida horumarinta beelaha Gobolada Hawd/Hargeysa ay halkaasi kaga dhawaaqeen in maanta danta beeshu ay ku jirto xisbiga Waddani.

Ugu horayn Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Waan ku faraxsanahay in aanu joogno xaruntii xisbiga Waddani ee gobolka Hawd oo ah xarun aad u weyn oo si wanaagsan looga shaqeeyay, la bilay oo la qurxiyay, diyaar garawgaasina waxaynu ugu diyaar garoobayna ololihii rasmiga ahaa haddii Alle ka dhigo,”

Sidaas ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Waddani. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si kal iyo laab ah xisbiga ugu soo dhaweeyay siyaasiyiin door ah iyo

taageerayaashooda “Waxaan mahad balaadhan ka soo jeedinaya ujeedadii munaasibadan loo qabtay oo ahayd dad miisaan culus leh oo Somaliland iyo beesha caalamkuba taqaano in ay maanta ku soo beereen xisbiga Waddani, kagana biireen gobolka Hawd.

Raggaas waxa ka mid ah Dr Maxamed warsame oo dunida inta badan ka soo shaqeeyay, dhakhtar caana oo la yaqaanana ah oo halkan maanta kaga dhawaaqay in uu xisbiga Waddani ku biiray, waxa kale oo uu ahaa guddoomiyihii guddida beesha(Guddida Afgarad), waxa ka mid ahaa Maxamuud Cabdi Malaw, Cali Iid, Siciid Daahir, guddoomiyihii Kulmiye ee gobolka Hawd, hablihii iyo siyaasiyiintii kale ee halkan xisbiga kaga biiray dhammaantood waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Miisaankiinu wax badan buu ka bedeli doona gobolkan iyo jamhuuriyadda Somaliland doorashada soo socota ee Madaxtooyada haddii Alle yidhaahdo. Ku soo dhawaada gacmo furan iyo qalbi furan; sidii caadada u ahaan jirtay xisbiga, waa lagu soo kala horeeyay xisbiga ee cid idinka leh ma jirto, Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha Waddani waxa uu qaybta dambe ee khudbaddiisa ku eekeeyay sida xisbiga Kulmiye ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada bulshada ee gobolka Hawd “Waxaan jecelahay in aan eray ka idhaahdo; waxa aan maqlay oo la hadal haya in Kulmiye soo bandhigayo buuggiisii wax qabadka intii uu xukunka hayay, bal haddaba waxqabadkiisa waxaynu ka eegayna uun qayb ka mid ah, waxaynu ka eegayna qaybta gobolka Hawd khusaysa, gobolka Hawd waxa uu ka samaysan yahay 27 magaalo ama tuulo, marka waxqabad la eego waxa ka furan saddex MCH( Saddex xannaano caafimaad ah) ayaa ka furan 27-ka magaalo, cisbitaal ma leh gobolku, wuxuu leeyahay rug caafimaad. Waxbarashada gobolka Hawd waxa ka aasaasna 23 iskuul waxa shaqeeya ba la igu yidhi afar kaliya hadda waa wax qabadkii Kulmiye, waxa la yidhi macallimiinta gobolku waa boqol iyo xogaa inta Bayroolka dawladda ku jirta laakiin, inta ka shaqaysa gobolkan waa tiro aad u yar,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu badka soo dhigay sida xukumadda Kulmiye gobolka Hawd uga qadisay ceelal iyo harooyin ay qoday “Xagga biyaha marka aynu eegno dalka oo dhan wuu ooman yahay laakiin, sida Kulmiye sheegay 288 ceel iyo harooyin ah ayaa laga qoday Dalka JSL, gobolka Hawd midh kagama jiro. Waddooyinka inkasta oo aynaan dafirayn waxay xukumaddu samaysay waddada Baligubadle iyo Hargeysa 20Km(Labaatan Kilomitir) ayaa la sameeyay, 11.5km( koob iyo toban iyo badh Kilomitir) bulshada samaysatay inta kalena waa waxyaabaha ugu badan ee uu ku faano xisbiga Kulmiye. Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, dalkasta dhanka dhaqaalaha waxa ugu wanaagsan in la sameeyo nidaam maaliyadeed oo shaqaynaya, nidaamka maaliyaddana waxa saldhig u ah in la helo baanan, marka insha Allaahu baankii ugu horeeyay ayaanu ka furi doona gobolka Hawd, kaasi wuxuu suuro gelinaya in ay shaqeeyaan kastamka ama hay’addihii kale ee ku xidhna Kastamka, intaas kooban ayaan tusaale uga soo qaatay laakiin, marka ololaha ayaynu aad u sii dhex geli doona waxqabadka Kulmiye ku faanayo ee laga yaabo in uu shacbiga u soo bandhigo,” Sidaas ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani.
Sidoo kale Maxamed Warsame ah Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beelaha Arab ee Afgarad ayaa sheegay in maanta danta gobolka Hawd ay ku jirto taageerada xisbiga Waddani, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Laba sano iyo badh ayay ahayd markii aad noo doorateen inaanu daba galno oo wax ka qabano horumarinta beesha meel kasta oo ay degan tahay ha ahaato Hawd, Saaxil, Togdheer iyo gobol kasta.
Horumarinta aanu doonaynay geed sare iyo geed hooseba waanu u fuulnay, Horumarinta iyo siyaasaduna ma kala hadho, siyaasada iyo horumarintu way isku xidhan yihiin.
Waxa dhacday in madaxdii Madaxweynuhu ugu horeeyo in afar jeer uu Baligubadle yimid oo uu balanqaadyo sameeyey ilaa maantana dhagaxaantii uu dhigay ay yaalaan oon waxba laga qaban. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa waxa la yidhi ceel ayaa la idiin qodayaa ceelkii wali wuu soo socdaa todobadii sanona way soo dhamaadeen.
Waxa kale oo jirta waxa aad moodaa waddanka inaan cidiba lahayn oonay dawladi jirin oo wadanka waxa la keenaa dawo dhacday iyo raashin dhacay.
Ugu yaraan 19 qodob ayaanu ugu tagnay hal qodob oo wax laga qabtay ma jiro, haday biyo tahay haday ceel tahay, haday waxbarasho tahay, haday tahay caafimaad, wax laga qabtay ma jirto, waar wadanka miyaan loo sinayn, hada inaguun maahee ogaada gobolo badan ayaa inala qaba Burcaa inala qabta, Sanaag baa inala qabta Soolbaa inala qabta, Maroodi-jeexbaa inala qaba, Awdalbaa inala qaba.
Inyar oo 50Km aan dhaafin ayaa boqolkiiba 85% horumarintii dalka loogu talogalay ay gashay, waxa kale oo aan idiin sheegayaa abaar baa dhacay oo xoolaa dhintay dadbaa dhintay, aduunyadan sibaa loola dhaqmaa, waxay ognahay in hay’adaha aduunku 217 Milyan ay ugu talogaleen Somaliland iyo Somalia wax inaga soo gaadhay ma jirto, taa aduunyadu ugu talogashay inagaa is-hortaagnay, markaanu siinay taladii oonu nidhi sidaa dhaha oo aanu u qornay waa nalagu diiday.
Waxaan ku soo koobayaa iyadoo ay arimahaasi oo dhani ay dhaceen oo aanu la kulanay gidaar, waxaanu garanay oo aanu sheegaynaa hadii aad na dirateen horumar noo dirateen, horumar iyo siyaasadina aanay kala bixin in danta reerku ay ku jirto taageerada xisbiga Waddani.
Waar Dabayl isbadal ayaa dhacaysa, boqolaal Waddan oo doorasho ka socoto ayaan soo maray, Waligay maan arag xisbi Dawladeed oo xisbi Mucaarid ah dabayaacaya, waxaanu arki jirnay xisbi mucaarid ah oo xisbi dawladeed daba yaacayo, Saaka afar wasiir ayaa halkan joogay, waar ceebta ka badan intaasi maxay tahay, markiina kaalaya dadka dhinciina u sheegta oo wixiina u sheegta.” Ayuu yidhi Maxamed Warsame, Gudoomiyaha Guddida horumarinta beelaha Arab ee Afgarad.