“Kalsooni Badan Baan Ku Qabaa Inaan Wadaantayda Ka Buuxsan Doono Oon Rag Badan Kaga Badsan Doono” Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
987

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo ka qeyb galay shirka Beesha Biciide ee ka socday Dooxada Dagaaraad ayaa ugu horaynba salaan sharaf huwiyey Martida iyo dadkii madasha shirka fadhiyey wuxuuna yidhi “Salaan kabacdiw axaan mahad balaadhan u jeedinayaa oo aan la koobi Karin beesha halkan nagu casuuntay ee ku shirtay ee markay na casuuntayna si sharaf iyo kalgacal leh noogu soo dhawaysay aad iyo aad baan ugu mahad celinyaa” Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda ayaa xusay inuu Deegaanada Sanaag yimi dhawr jeer isagoo wada horumarka Deegaanada balse aanu iman isagoo cod doonaya, waxaana uu ku tiraabay inuu Kalsooni buuxda ku qabo marka xiligeeda la gaadho inuu wadaantiisa ka buuxsan doono waxaana hadaladiisii ka mid ahaa sidan :

 

“Inaksata oo mar walaba siyaasiyiintu jecel yihiin in laga hadlo siyaasad hadana waxaa nagala wayn danta qaranka, Qaranimada ayaa nalaga wayn waxaan leeyahay wixii saca u dana ayaa wayshana u dan ah wixii qaranka u dana ayaa Xisbiga iyo Siyaasigaba u dan ah, waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa inay Siyaasadda iska xakameeyeen oo dhaheen Nin waloba koonahaaga ka darso oo nin waloba waa kuu fasax Saaxiibkay Xasana waxaan leeyahay waxaan mar labaad sidii uu sheegay leeyhay kolay anigu halkan waan iman jiroo anigoo Waddo sidana waan iman jiray anigoo Biyo sidana waan iman jiray anigoo wax kale sidana waan iman jiray laakiin wali maan iman aniga oo cod doonaya isha allaahu tacalaa kalsooni baan ku qabaa oo kal iyo lab ah ayaan ku qaba inaan wadaantayda ka buuxsanayo hadii Allaha Awooda lihi ogolaado wer-werna kama qabo kalsooni waynbaanan ku qabaa marka markeeda la gaadho isha allaahu tacaalaa”sidaa ayuu yidhi Hogaamiyaha Waddani.
Xirsi Cali Xaaji Xaaji Xasan ayaa sheegay inaan sas laa qaadin shirarka beelaha maadama qaranka Somaliland ka soo unkamay Beelo isutagay, waxaana uu xusay inay wanaagsan tahay marka beeluhu soo saraan wax qaranka iyo dadka u Dan ah taasi ay horseedo wanaag “Waxaan uga gudbayaa shirka quruxda badan ee aadka iyo aadka loo agaasimay inay Reerku aayahooda ka tashadaan oo beeshani aayahooda ka tashato,waxaa laga yaabaa Dadku had iyo jeer inuu siyaabo kala duwan u cabiro Beelaha iyo shirarka laakiin se Beeluhu markay wax soo saaraan qaranka u dan ah Qarankuna wuxuu ka yimi Beello isu tagay iyo Deegaano isu tagay hadii Beel waliba wanaag soo saarto macnuhu waxa weeye wanaag baa ummadda ka dhalanaya markaa inay Beeluhu shiraan ceeb maaha laakin se inay shir xagtin iyo xinif leh ama wax lagu xumaynayo ama lagu xajiimaynayo ama dhexdooda wax lagu qaribayo ayaa runtii xun, waxaan leeyahay shirarka noocaas ah ee

Reeruhu kaga tashanayaan aayahooda mar naba is hor taagi mayno mar walbana waanu hanbalyaynaynaa mar walbana waxaanu leenahay in Beeluhu ka tashadaan aayahooda xaq bay u leeyihiin maadaama ay cid waliba leedahay xuquuq oo eegtaan isna waydiiyaan” Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidaa yidhi.

Ugu danbayntiina waxaa uu Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Salaadiinta , Qurba jooogta uga mahad celiyey garaadka iyo garashada koran ee ay ku maamuleen shirkaasi mudadii uu socday “Waxaan runtii odayaasha iyo Salaadiinta iyo Aqoonyahanka Qurba joogta dhamaantood ku mahadinayaa inay garaad mug leh iyo garasho Koran ku maamuleen oo ay ka ilaaliyeen cid walba mid dhaw iyo mid dheerba xagtinta ka ilaaliyeen.

waxaanse jecelahay runtii oo aan qolyaha halkan fadhiya ugu faanayaa anagu markii Reerku shiray ee dhawaan naloo yimi ee nala yidhi war shirki wuu socdaa e maxad gaysanaysaan Gacan baanu ka gaysanay mugleh oo kolayba Kulmiye anagaa ka Gacan waynayn gacantaas baanu is leenahay Qarankana waad u dhaamaysaan Isha Allaahu tacaalaa, ayuu yidhi Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.