Hogaamiye Xirsi Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Hadallo Duurxul Siyaasadeed Ah Isugu Faanay Taageerada Mid Kastaa Ka Filayo Beelaha Biciide, Baanihii Hogaamiye Xirsi Iyo Rogaal-Celintii Wasiir Xaashi + Sacabkii Madasha

0
1478

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa saraakiishii miisaanka cuslaa ee shalay ka qayb galay gunaanadka Shirkii AAYA-KA-TALIS ee beelaha Biciide uga socday Dooxada Dagaar ee Galbeedka Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ay madasha xidhitaanka shirkaasi ka jeediyeen hadallo isugu jiray duur-xul siyaasadeed iyo kaftan iyaga oo dhinaca kalena u mahad celiyey qaabkii shirku u socday iyo dadkii soo qaban qaabiyey. Wasiir Maxamuud iyo Hogaamiye Xirsi waxa ay isugu duur xuleen taageerada mid walbaaba ku leeyahay beesha deegaankan ee shirka qabsatay waxaanay sheegeen in mid waliba waadaantiisa darsan doono taageerada beesha.
Ugu Horrayn aan soo qaadano khudbaddii uu halkaasi ka jeediyey Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxaanu yidhi: “Dhammaanba madaxda ka kala socota dawladda, xisbiyada iyo marti sharafta kaleba oo uu ugu horreeyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaan salaamayaa. Waxaan u mahad-naqayaa beesha shirkan nagu casuuntay ee sida milgaha iyo qaddarinta leh halkan noogu soo dhawaysay. Waxaan ku bogaadinayaa hannaanka quruxda badan ee ay shirkooda u qabsadeen. Wixii ay halkan ka sheegeen iyo wixii ay gaar u dhibteenba waxaannu leenahay Alle SWT ha idinku guuleeyo. Wixii qaranka u dan ah ayaa xisbigana u dan ah. Waxaan ku hambalyaynayaa in ay yidhaahdeen siyaasadda iska xakameeyoo nin walawba dhinacaaga ka darso oo waa ku fasax. Kalsooni baanan ku qabaa in aan waadaantayda ka buuxsanayo haddii Alle qaddaro. Saaxiibkay Xasanna waxaan leeyahay anigu kolayba halkan waaniman jiroo Anigoo waddo sidana waan iman jiray anigoo Biyo sidana waan iman jiray anigoo wax kale sidana waan iman jiray. Wali maan iman aniga oo cod doonaya. Insha Allaahu kalsooni baan ku qabaa in aan wadaantayda ka buuxsanayo Haddii Alle yidhaa. Werwer kama qabo. Waxa aannu dabbaqaynaa arrinkii komishanku soo saaray oo ah in aanaan ku kicin wax muujinaya kaambayn iyo is muujin. Annaga oo taa ka jawaabaynana guure ayaanu ku soo dhaafnay xalay deegaamada oo dhan sidaasi ayaanan halkan ugu waabariisanay. Qaranku waxa uu ka yimid beelo iyo deegaamo isku tagay, haddii beel waliba wanaag soo saarto wax wanaagsan buu qaranku noqonayaa. Inay beeluhu shiraan ceeb maaha laakiin in ay ku shiraan wax xun ayaa xun. Boqor Buur-madaw baa aniga oo Imaaraadka jooga ig yidhi ka warran shirkaasi sided u aragtaa?. Waxa aan ku idhi armuu wakhtigan xasaasiga ah ee uu ku soo beegmay xasaasi yahay, armuu culayskiisa idinku keenaa. Waxaan inta soo qaban qaabisay ee qurbejoog iyo waxgarad leh ku ammaanayaa garaadka mugga leh iyo garasho sarraysa ku maamuleen ee ay xagtinta ka ilaaliyeen. Dhawaan markii naloo yimid ee la yidhi waar shirkii waa socdaaye maxaa ka gaysanaysaan gacan mug leh baannu ka gaysannoo kolayba KULMIYE annaga ayaa ka gacan waynayn gacantaasaanu is leenahay qarankana waad u dhaamaysaan. Shirka waan ku faraxsanahay go’aamada ka soo baxay waanan kula shaqaynaynaa”. Ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi.
Dhinaca kale waxa isna hadalka uga dambeeyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka jawaabay qayb ka mid ah hadalladii Hogaamiye Xirsi sidoo kalena soo dhaweeyey go’aamada shirka waxaanu Wasiir Xaashi yidhi: “Dhammaan waanu soo dhawaynaynaa go’aamadii halkan ka soo baxay ee wanaaga iyo wada noolaanshaha bulshada reer Sanaag iyo guud ahaanba reer Somaliladn saamaynta ku lahaa. Dawladuhu mararka qaarkood wax ka shaki badan. Haddii aannu been ku ognahay dee maannu werwerneen. Siyaasadda xukuumadda Axmed Siilaanyo waxa weeyi in ay dhiirri geliso bulshada Somaliland. qof, qoys iyo beelo ayaa qarankani ka kooban yahay oo bulshadu u samaysan tahay. Qabyaaladda ma dhiirrigelino haseyeeshee hawraarey ninba si kuu qaaday baa la yidhi. Beeluhu dan bay u tahay in ay amnigooda iyo horumarkooda ka shaqeeyaan. Waana bisayl in la yidhi nin walawba darkaaga ka darso xisbi walawba wixii raganimadaadu kuu goysona waa nasiibkaa waa bisayl waanan ku bogaadinaynaa. Waxaanse leenahay nin waliba wixii uu gashaday ayuu yeelahay xisaabtuna way iska iman goorahanna maaha. Inaadayrkay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkan hadallo ka yidhina oo yidhi halkan waadaan weyn baan ka darsan doonaa gobolka Sanaag, waxaan leeyahay codadka Gobolka Sanaag oo kali ah iskuma hayno waxaan isku haynaa codadka Togdheer, Sanaag, Sool, Awdal iyo dalkooda dhan ayaa xisbiyadu isku hayaan. Ninkii weel weyn ka darsanaya iyo ninkii jeex ka darsanayana fardo la isu hayo la iskuma faansho ayaan leenahay”.
Dhinaca kale Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu yidhi: “Annagu waxaanu nahay xisbigii tallada hayey, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku jiraa maalmihii u dambeeyey,waxa aannu leeyahay qarankan nabadgalyo ayaanu ka doonaynaa, waxaanu ka doonaynaa in si nabad ah lagu codeeyo, doorasho xor iyo xalaal ah ayaannu balan qaadaynaa, doorashadana shiidigeeda ma hayno waxa haya guddida doorashooyinka qaranka. Madaxweynuhu wuxuu masuul ka yahay guud ahaan habsami u socodka hawlaha qaranka, maamulka iyo gacan ku haynta amniga. Amniga iyo maamulkiisana u wareejin mayno masuuliyaddaa cid kale madaxweyne Siilaanyo ayaa iska leh, cidina lama wadaagto, waxaanu maqlaynay haloo wareejiyo guddida doorashooyinka qaranka, xeer ugub ahna samayn mayno qaranku hore ayuu u soo jiray. Doorashadii u horaysayna maaha, wuu soo tartamay qaranku. Madaxweyne Siilaanyo maanta waa oday aan tartamayn, Madaxweynayaal tartamaya ayaa halkan ka soo taliyey oo ciidamada maamula, oo lacagta maamula oo inta la tartamay, haddana laga helay doorashadii, laakiin maanta ragga tartamayaa midna gacanta kuma hayo, Madaxweynaha qaranka Somaliland waa taliyaha guud ee ciidamaada qaranka isaga ayaa amniga maamula, masuuliyadaasna waa u dhex, marka uu masuuliyadaa gudanaya ummaddana waa u dhex, xisbiyadana waa u dhex, ragayaga gacanyareyaasha ahina siyaasadaas ayaannu ku shaqynaynaa, dhex baanu ummadda markaa u nahay, marka kalena dhinac ayaannu nahay oo raggaa is haya ee fardaha leedada saaran baanu ka mid nahay, ee codka kala boobaya, iskagama kaayo khaldana, waxaan ku soo ururinayaa bulshadu inay Nabadda ka shaqeeyaan”. Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.