“Haweenka Somaliland Iskuul Bay Lahaayeen Iskuulkiina Marwada Qaranka Ayaa Hudheel Ka Dhigatay, Tolow Miyay Illawsan Tahay In….” Xildhibbaan Baar Siciid

0
787

Xildhibaan Baar Siciid Oo Beenisay Inay Ka Codaysay Kootada Haweenka Marwada Qaranka Eedo Kulul U Jeedisay

Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland ayaa iska difaacday eedo uga yimi marwada madaxwaynaha marwo Aaminsa Waris Sheekh Maxamuud Jirde oo ku eedaysay inay Baar Siciid ka codaysay kootada haweenka Somaliland.

Xildhibaan Baar ayaa hadalkaas marwada ka soo yeedhay waxba kama jiraan ku tilmaamtay waxaanay sheegtay inay u codaysay kootda haweenka markii golaha la soo dhigay, isla markana ay haysato markhaatiyadii iyo muuqaaladii wakhtigaas la duubay.

Geesta kale Xildhibaan Baar ayaa marwada qaranka ku eedaysay inay xoog ku qaadatay dugsigii haweenka kana dhigatay qayb ka mid ah huteelkeeda gaarka ah, waxaanay xildhibaan Baar sheegtay inay haweenka Somaliland arrinkas maanka ku hayaan, iyadoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxay tidhi:

“Markhaati baan leeyahay anigu, matkhaati waxa ii ah xildhibaanada, haweenkii fadhiyey maalintaas ee Nagaad ka mid ahaa iyo Somaliland oo dhan cajaladiina waa la hayaa, waan ka xumahay marwadeenii qaranku inay beenta intaas le’eg sheegto tolow gabadhu ma xog baanay hayn mise way badheedhay Haweenka Somaliland iskuul qudha bay lahaayeen iskuukleeniina marwada qaranka ayaa hudheel ka dhigatay markii ay aniga beenta iga sheegaysay intaas miyey illawday tolow? Aniga haweenka Somaliland oo Nagaad ku jirto ayaa ii markhaati ah golaha wakiillada ayaa ii markhaati ah haddii aan halkeeda joogaana haweenka iyo ubadka Somaliland sidaas ma noqdeen”.

Marwada qaranka Marwo Aaminsa Weris Sheekh Maxamud Jirde ayaa dhawaan beenisay inay samaysay wax musuq iyo hanti boob ah inkastoo dusgigii haweenka ee Hargeisa Club oo iminka Baarkinka hotelka Marwada.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday