Cajiib: Hooyo Iyo Inanteeda Oo Isku Wakhti Cisbitaal Ku Wada Umulay Laba Wiil Uguna Magac Daray Madaxweyne Dunida Caan Ah

0
1039

Waxaa isku mar umulay Hooyo Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Faadima Birinci oo 42 jir ah iyo gabadh ay dhashay oo lagu magacaabo Gade oo 21 jir ah kuwaasoo labo wiil ku dhalay isbitaal ku yaalla magaalada Konya ee Dalka Turkiga.
Gabadhan iyo hooyadeed waxaa ay saddex Sano ka hor ka carareen dalkooda Syria ee ay colaadaha sokeeye halakeeyeen, waxaana ay u qaxeen dalkaasi Turkiga oo ay mudadaasi saddexda sannadood ah ku noolaayeen.
Warbaahinta dalkaasi Turkiga ayaa toddobaadkan baahiyey muuqaallo laga soo qaaday labadan haween ah ee is dhalay ee halka mar ku wada umulay Cisbitaalkaasi kuwaasi oo caafimaadkoodu wanaagsan yahay arrinka cajiibka ahina yahay in ay labadii ubad ahaa ee ay dhaleen oo ahaa laba wiil ay ugu magac Dareen Madaxweynaha waddankaasi Turkiga oo ay midina ilmaheeda u bixisay Rajab midda kalena u raacisay Dayib Erdogan.
“Waa wax cajiib ah oo aanan waligey maqal, saddex sano ka hor ayey ku soo qaxeen dalkayaga, maanta Cisbitaalka ayay labadoodu ku dhaleen laba wiil”. ayuu yidhi Dhaqtarka guud ee Cisbitaalka Magaalada Konya ee dalkaasi Turkigu isaga oo warbaahinta uga warramayay xaaladda labadan haween ah ee is dhalay ee halka mar ku wada dhalay cisbitaalkaasi.
Sida uu qoray Wargeyska Ensonhaber ee dalka Turkiga labada Wiil ayaa loo kala bixiyay magacyada Recep iyo Tayyip oo ah labada magac ee ugu horeysa Madaxweynaha dalkaasi Turkiga.
Umulisada labada Haween ee halka mar wada dhalay oo lagu magacaabo Naim Unsal ayaa sheegtay in Arrinkan ay kula kulantay cisbitaalkoodu yahay mucjiso ee aanay caadi ahayn, waligeedna ku fakarin dhacdadan oo kale in ay la kulmi doonaan.
“Aadbaan ula yaabay markii labadan haween ah hal mar la wada keenay cisbitaalka iyaga oo fooli hayso. Waxa ay la ii sheegay in ay yihiin hooyo iyo inanteedii. Nasiibka ayaa keenay in ay hal mar wada qaadaan ubadkaasi ay caloosha ku sideen hal marna wada dhalaan. Adeeg wanaagsan oo aannu u qabanay kadib waxa ay cisbitaalkii si dabiici ah ugu dhaleen laba wiil oo caafimaadkoodu wanaagsan yahay. Markii labada waalid la waydiiyay magacyada ay u bixin lahaayeen ubadkooda ee buugga dhalashada loogu qorayo waxa ay sheegeen in midna loo bixinayo Rajab midna Dayib oo ah magaca Madaxweynaha waddankayaga Turkiga. Taasina waan la sii yaabay. Anoo marka hore la yaaban labadan haween ah ee is dhalay ee halka mar wada dhalay ayaan haddana la sii yaabay magacyada ay doorteen waxaanan u malaynayaa in ay tahay tixgelin ay u hayaan Erdogan” ayay tidhi Umuliso Naim Unsal oo warbaahinta la hadlaysay.