Hoggaamiyaha WADDANI Oo KULMIYE Ku Eedeeyay Inuu Qodobbo Ka Mid Ah Barnaamij-siyaasadeedkiisa Min-guuriyey

0
969

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ku eedeeyay inay Qodobbo ka mid ah Barnaamij-siyaasadeedkii uu dhawaan soo bandhigay uu ka soo qaatay Barnaamij-siyaasadeedka WADDANI.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyay Taageerayaal, ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE looga baahan yahay in waxa uu Dadweynaha u ballan-qaadayo inuu qaban doono uu imikaba qabto, maaddaama oo uu imikaba Talada Dalka hayo.

Xirsi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Barnaamijka aad soo bandhigteen waxaad qaar ka mid ah ka soo Min-guuriseen Barnaamij-siyaasadeedkii aanu soo bandhignay (Waddani ahaan)….”

Hoggaamiyaha WADDANI wuxuu KULMIYE u soo jeediyey inay Dalka ka qabtaan waxyaabaha ay sheegayaan inay qaban doonaan haddii mar labaad la doorto, “Waxaanu leenahay Reer KULMIYOOW wax la kaalaya, waxaad leedihiin waxbaanu qabanaynaa, waxaad qabanayso Maanta miyaad qabatid ilayn Maantaba Xilka waad joogtaaye..”ayuu yidhi