Deg Deg: Muuse Biixi Oo Imika Xilal Cusub Magacaabay Iyo Cida Uu Magacaabay

0
890

Guddoomiyaha KULMIYE oo Magacaabay Masuuliyiin Maamullada Gobollada iyo Garabka Dhallinyarada ah

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay masuuliyiin lagu buuxiyey maamullada gobollada qaarkood iyo Garabka Dhallinyarada heer Qaranka ee xisbiga.
Digreeto uu ku saxeexanyahay Guddoomyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku magacaabay lix masuul oo isugu jira maamullada Gobollada Gabiley & Saaxil iyo weliba Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
Magacaabistaasi oo dhammaystiranina waxay u qorantahay sidan;
“October 01st, 2017
Ku: Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule) = Berbera =
Ku: Maxamed Nuur Mooge Shabeel = Gabiley =
Ku: Maxamed Ibraahim Nadiif = Gabiley =
Ku: Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug =Hargeysa =
Ku: Cabdifataax Barkhad Cismaan =Hargeysa =
Ku: Siciid Maxamed Siciid =Hargeysa =
Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye =Hargeysa =
Ujeeddo: Magacaabis Xilal.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Xilalka hoos ku qoran u leeyihiin hab-sami u socodka hawlaha Xisbiga KULMIYE, waxa la magacaabay xubnahan laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay October 01, 2017.

1. Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.
2. Maxamed Nuur Mooge Shabeel – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
3. Maxamed Ibraahim Nadiif – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
4. Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
5. Cabdifataax Barkhad Cismaan – In manta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Qorshaynta iyo Jaan-goynta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
6. Siciid Maxamed Siciid – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi Cabdi
_________________________________________
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE