Dawladda Ingiriiska Oo Shuruudo Ku Xidhay Ka Bixitaanka Midowga Yurub

0
1119

London:Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa soo bandhigay sharuudo cusub oo uu sheegay in ay muhim u tahay ka bixitaanka UK ee midowga Yurub.

Mr Johnson oo la hadlayay wargeyska Sun ayaa ku adkaystay in xilliga kal guurka ee marka ay Britain ka baxdo midowga Yurub uusna ka badnaan laba sanno.

Waxa uu sidoo kale sheegay in UK ay tahay in aysan u hogaansamin shuruucda cusub ee midowga Yurub ka dib xilliga kala guurka.

Dhanka kale, Rai’sul wasaare Theresa May ayaa ballanqaaday in ay dhagaysan doonto walaaca ay qabaan codbixiyayaasha dhalinyarada ah ee ay niyad jabisay doorashadii ugu danbaysay.

Xilli maalinta barito ah lagu wado in uu magaalada Manchester ka dhaco shirka xisbiga Conservatives ayaa waxay raisul wasaaraha sheegtay in ay la socoto walaaca ay qabaan da’yarta.

“Waxaa iga go’an in aan tillaabo ka qaado walaaciina,waana muhim in aan fuliyo balanqaadkii aan sameeyay khudbaddii ugu horeysay ee aan jeediyo.” Ayay tiri Mrs May.

Waa kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan xisbiga Mrs May tan iyo intii uu xisbigeeda lumiyay aqlabiyadii ay baarlamaanak ku lahaayeen.