Cirro Oo Ballan-qaaday Inay Aqbalayaan Natiijada Doorashada, Haddii Ay U Dhacdo Si Daah-furan, Musharraxiinta KULMIYE & UCID Oo Dardaaran U Jeediyey Cod-bixiyeyaasha

0
775

Musharraxiinta Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa si Wada jir ah Dadweynaha ugu baaqay inay Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo Dalka ka bilaabmaysa ka ilaaliyaan wax kasta oo Xumayn kara.

Musharraxa WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Musharraxa UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sidaa ka sheegay Munaasibad Guddiga Doorashooyinka Qaranku Shalay ku Guddoonsiiyeen Shahaadooyinka Caddaynaya inay yihiin Musharraxiin u tartamaya Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacaysa 13-ka bisha November, 2017-ka.

Saddexda Musharrax ayaa si isku mid ah u sheegay in loo baahan yahay in Doorashada soo socotaa noqoto mid Xor iyo Xalaal ah, iyagoo Cod-bixiyeyaashana u soo jeediyey inay iska ilaaliyaan Hadallada Xanafta leh ee kala fogeyn kara.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan Shacabka reer Somaliland u sheegayaa in Cidda la kala doorayaa aanay ahayn Xisbiyo ee la kala dooranayo Lixdaa Musharrax ee Shahaadooyinka la siiyey (Komiishanku siiyey)…”

Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna Dadweynaha ugu baaqay inay iska ilaaliyaan wixii xumayn kara Ololaha Doorashada “Cod-bixiyeyaasha waxaan leeyahay Lixdaa Qof-baad kala dooranaysaan, waana wada Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa inay Ololaha Doorashada ka ilaaliyaan Xanafta, wixii Xajiimayn kara iyo wixii wax innaga xumayn kara oo dhan..”ayuu yidhi.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Doorasho xor iyo Xalaal ah Natiijo ka soo baxda inaanu Aqbali doono Xisbi ahaan hore ayaanu u sheegnay.”