Beelweynta Cabdi Ciise iyo Bahohiisa oo Cudud Ballaadhan Ku Taageeray Xisbiga KULMIYE

0
1086

Beelweynta Cabdi Ciise iyo Bahihiisa(Ciidagale), ayaa taageero laxaadleh u muujisay xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Munaasibad ballaadhan oo ay beeshani maanta ku qabatay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, haldoorka, haweenka, dhallinyarada iyo labeenta beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno kamid ah hoggaanka xisbiga, wasiirro, Agaasimayaal guud, xildhibaanno, ganacsato iyo haldoor kale oo xisbiga KULMIYE katirsan, ayey beeshani shaaca kaga qaaday inay cod, cudud iyo cuudba la garabgeli doonto xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Xubno kamid ah madax-dhaqameedka beeshan oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay sida ay beel ahaan isugu raacsan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, islamarkaana ay iyaga oo gacmaha is haysta diyaarka ugu yihiin inay qayb ka qaataan guul uu xisbiga KULMIYE ka gaadho doorashooyinka madaxtinimo ee dalka kusoo foolka leh.
Haldoor madax-dhaqameed ah oo kasoo jeeda beelweynta Cabdi Ciise iyo Bahohiisa oo ay kamid yihiin Caaqil Cumar Cabdi, Caaqil Abshir Yuusuf, Caaqil Cabdilaahi Ismaaciil, Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Xasan Qarbooshe oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa murrashax Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE-ba ugu bushaareeyey inay ku talo galaan cudud taageero oo ballaadhan oo ay la garab galaan, isla markaana ay beel ahaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli lahaayeen sidii uu KULMIYE u guulaysan lahaa.
Garaadka guud ee beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa Garaad Mustafe, ayaa isaguna ku dheeraaday sida ay beeshu ugu diyaarka tahay inay taageero ballaadhan la garab gasho xisbiga KULMIYE, waxana uu intaas ku daray inay si weyn ugu qanacsan yihiin waxqabadka xukuumadda xisbiga KULMIYE hormoodka u yahay dalka ka hirgelisay.
Siyaasiyiin ay kamid yihiin Yuusuf Maxamuud Guuleed, guddoomiyaha KULMIYE ee degmada Maxamuud Haybe Md. Khaalid Cawil, Baashe Yuusuf Cadde, Maxamed Yaasiin Askar, Cali Cumar Guuleed, ayaa tilmaamay inay beel ahaan horeba caan ugu ahaayeen taageerada KULMIYE, waqtigan ay laban-laabayaan taageeradooda.
Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir )Cukuse) oo isaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa farta ku fiiqay xidhiidhka soo jireenka ah ee uu xisbiga KULMIYE la lahaa beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa, waxana uu bogaadiyey go’aanka beeshu ku gaadhay inay xisbiga KULMIYE taageerto.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha soo gunaanaday, ayaa beesha Cabdi Ciise iyo Bahohiisa ku bogaadiyey taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, isaga oo sharraxay qaybo kamid ah hiigsiga xisbiga KULMIYE, “Waxa inoo himilo ah inaynu dalkeena gudihiisa iyo dibaddiisaba adkayno oo inanta Somaliland meel kasta oo ay joogtaba aanay ammaankeeda ka warwarin oo uu qaranku ballan qaado qof walba hantidiisa iyo naftiisaba iyo inaanu cadow dambe usoo hunguroonin qarannimada Somaliland ee aad ogtihiin qiimaha ay inagu joogto oo dhaqaalaha kor loo qaado, dhaqaaluhuna waxa uu kor ugu qaadmayaa inaynu noqono umad iyadu wax soo saarta, waayo ummad wax walba dibadda ka keentaa xor noqon maysee waxa aynu u baahanahay inaynu tacabka ku jeedsanno, Dawladduna taas dhiirrigeliso, dhallinyaraduna aaminto,” ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.