Muuse Biixi Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Dhiggiisa WADDANI Ee Ku Saabsanaa In Amarka Ciidamada Qaranka Inta Doorashada Lagu Jiro Lagu Wareejiyo Komishanka

0
1006

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Musharaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo uu ku tilmaamay laf-jab innay ku yihiin Distoorka iyo shuruucda dalka u dejisan oo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ,kaasi oo uu ku dalbaday in hoggaaminta ciidamada qalabka sida oo sida uu ku cad dastuurka qaranka uu masuuliyadooda u wakiishay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,lagu wareejiyo Komishanka Qaranka Somaliland.
Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey siyaasiyiin ka mid ahaa haldoorkii WADDAN oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa shalay, waxa uu bulshada u sharraxay hadalka distoorka iyo shuruucda dalka ka horimanaya ee uu ku tiraabay murrashaxa xisbiga WADDANI, waxaannu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Warbaahinta waxa maanta ku soo baxday guddoomiyaha xisbiga WADDANI (Cabdiraxmaan Cirro) oo yidhi talada iyo hoggaaminta ciidamada qaranka Somaliland hallagu wareejiyo Komishanka Doorashooyinka qaranka, arrintaasina waxay kasoo yeedhay guddoomiyihii 12-ka sannadood ee wakiillada oo aqoon u leh Distoorka iyo dawladnimada oo ah murrashaxa WADDANI oo doonaya inuu dalka xukumo.”
Murrashax Muuse Biixi waxa uu gef qaran iyo nasiib-darro ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay murrashaxa WADDANI, waxana uu tilmaamay inaanay garasho la’aan ka ahayn, balse ay ujeeddo kale jirto, isaga shacabka reer Somaliland ku boorriyey inay tiraabtaas dhiillada leh u dhug yeeshaan, “Ma filaayo inay aqoon la’aani u geysay, waxaanay ila tahay inuu distoorka aad u garanayo, Distoorka Somaliland waxa ku cad in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo dhan, go’aanka Cabdiraxmaan iyo xisbigiisu ay talada distooriga ah ugu wareejinayaan hay’ad madaxweynuhu magacaabay aqoon-darro kama aha xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahooda, waana nasiib-darro in guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee shalay oo maantana ka mid ah golaha oo hoggaaminaya xisbi qaran oo murrashax qaran ahi uu gefka intaas le’eg ee distooriga ah u badheedhaana waa nasiibdarro sharciyeed, waxaanan leeyahay arrintaas Cabdiraxmaan garasho-waa maaha ee ujeeddada uu ka leeyahay waaba la ogaan doonaa oo waa la arki doonaa, Shacabka Somaliland-na way ilaalinayaan oo way u feejiganyihiin distoorka qaranka iyo qarannimada Somaliland, ciddii ku xad-gudubtana qaranka oo dhan baa u jooga oo wada arkayee arrintaas qaranku ha ogaado halka ay ku dambayso,”