Dadweynaha Xaafadda Cabdi Iidaan Oo Walaac Ka Muujiyey Dhul Dan-Guud Ah Oo Ay Sheegeen In Lagu Wareejiyey Ganacsade Xarbi

0
791

Khilaaf cakiran ayaa ka dhex tagaan shacabka xaafadda Cabdi iidaan iyo sidoo kale wasiirka Hawlaha Guud iyo Ganacsade Ina Xarbi kadib markii shacabka xaafaddaasi ka gadoodeen dhul dan guud oo ku yaalla xaafaddaasi oo ay sheegeen in xukuumadda Somaliland ku wareejisay Ganacsaadaha Al Xarbi waxaana maalmihii ugu dambeeyay khilaafkasi gadhaay halkii ugu sarreysay iyada oo weli aan xukuumadda Somaliland wax go,aan ah kasoo saarin xaaladda ka tagaan xaafadda ayaa wax dhexgalay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo uu ka mid yahay Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid balse weli ma jirto Xal laga gadhaay Khilaafkan ka tagaan Xaafadda Cabdi iidaan, Dhulkan Khilaafku ka tagaanyahay ayaa waxa ay dadka xaafadda degani ku doodayaan in uu yahay dhul dan guud ah oo laga jaray sida ay sheegeen dhul ay lahaayeen Reer Yusuf Dagaal oo ah dadkii deegaanka dagnaa ka hor intaan la dejin dadkii laga raray xaafadda Cakaara.
Xukuumadda Somaliland ayaa Goobtaas keentay ciidan tiro badan oo ilaalo u noqon doona dhulka danta guud ee lagu wareejiyay ganacsade Al Xarbi kadib markii Ganacsaadahaasi isku dayay inuu deyr ku wareejiyo dhulkaas balse waxaa arrintaas si weyn uga gadooday shacabka xafadda Cabdi Iidaan iyagoo sheegay inanaay aqblaynin in la bixiyo dhulkaasi oo ay ku sheegeen mid dan guud ah, waxaana dhismaha deyrkaas hakad geliyay xukuumadda Somaliland waalow Aan weli meesha laga qaadin ciidankii xukuumaddu soo dhigtay goobtaas. Si kastaaba ha ahaate waxaa Goobtan khilaafku ka taaganyahay waxaa ku yaalla ceel biyood ay qodeen cagafyada ka shaqeeya geerash uu leeyahay ganacsaade Al Xarbi islamarkaana ay ku geeriyoodeen shan qof oo kamida ah kuwa dagan xafaaddani sida ay dadka xaafaddu sheegeen.
Mar aannu isku daynay in aannu arrinta cabashada dadka xaafaddaasi wax ka waydiino xukuumadda ayaanay noo suurto galin. Xaaladda ayaan la ogayn halka ay sal dhigi doonto wakhti murannada dhulku ku badan yihiin dalka.