Tirada Qaxootiga Rohingya Ee Soo Galaya Dalka Bangladesh Oo Hoos U Dhacday

0
825

Hay’adaha qaramada midoobey ayaa waxa ay sheegeen in ay hoos u dhacday tirada qaxootiga dadka Rihingya ee ka soo qaxaya dalka Myanmar.

 

Afhayeen u hadlay hay’ada caalamiga ah ee socdaalka ayaa BBC u sheegay in aan la dhihi Karin qulqulka qaxootiga Rohingya wuu dhamaaday balse labadii maalmood ee ugu dambaysay ay tirada hoos u dhacday.

Hay’adaha gargaarka ayaa waxa ay sheegeen in tirada qaxootiga cusub ee soo gaaraya Bangladhesh ay aad u yaraatay.

Dad gaaraya 400,000 oo ah qaxootiga Rohingya ayaa soo gaaray dalka Bangladesh bishii aanu soo dhaafnay.

Madaxa hay’ada caalamiga ah ee IRC,David Miliband,ayaa dhankiisa ugu baaqay wadamada taageera militariga dalka Burme in ay galaangalkooda u isticmaalaan sidii loo soo afjari lahaa rabshadaha halkaasi ka taagan.

Waxaa sii kordhayay cadaadiska lagu hayo hogaamiyaha Myanmar in ay soo afjarto howlgalada ka dhanka ah dadka Rohingya ee ay wadaan militariga dalkaasi.

Qaramada midoobey ayaa ku tilmaamtay waxa ka socda Myanmar isir sifeyn.