Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Carruur Wallaalo Ah Oo Ku Naf-waayay Gurigooga Oo Habeen-badh Bas-beelay

0
906

Akhri magacyada Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso  laba jir illaa saddex iyo toban jir

Allaah Waalidka dhalay Samir iyo Iimaan haka siiyee, Afar Carruur ah oo yaryar, ayaa ku Shuf-beelay ama ku bas-beelay Dab qabsaday Guriga Qoyskoodu degganaa oo ku yaallay Xaafadda Sheedaha ee magaalada Hargeysa. Gurigaas oo Jiingad ahaa ayey ku geeriyoodeen Afar Carruur ah oo Walaalo ahaa, halka Hooyadii dhashayna ay ku dhaawacantay Dabkaas Guriga qabsaday, isla markaana lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku booqdeen Wasiirrada Caafimaadka, Cadaaladda Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo Tacsi u diray Qoyskaas Masiibadu heshay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhinaciisa xalay warsaxaafadeed uu soo saaaray afhayeenkiisu waxaa uu kaga hadlay dhacdadan naxdinta leh, waxaana warsaxaafadeedkaas lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii   galinkii dambe ee habeen hore (24-09-2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Caruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

  1. Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir
  2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
  3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
  4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Ismaaciil Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu  Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu bedelo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN