Dahabshiil: Shirkad La Mahadaiyey Oo 24/7 Heegan U Ah Macaamiisheeda

0
938
Picture by Daniel Hambury. 5/8/11. CEO of international money transfer company, Dahabshiil, Abdirashid Duale. Somalia has been hit by famine and drought again and British based Somalins are trying to offer support.

Ganacsigu waa nidaam hawl fududayn ah oo faa’ido doon ku salaysan. Waa goob wax lagu kala bedesho oo alaabta iyo adeegyada markaa bulshadu u baahi qabto lagu fuliyo iyada oo bulshaduna ay u hurayso lacag ama wax u dhigma oo ay ku bedeshaan baahidooda. Ganacsigu hadba bulshada xaalkeeda sida uu yahay ayuu isna tamar leekaadaa, xiligii casri jaahiligii ganacsigu waxa uu ahaa mid aan lacag wax lagu kala iibsan jirin balse waxaa jiray nidaam kale oo bedelesho. Wakhtiyadii dhexe waxaa wax lagu kala iibsan jiray dahab iyo waxyaabo qiimo lahaa wakhtigaas balse dunidan horumartay ganacsigu waxa uu sameeyey horumar balaadhan oo dhanka wax iibsiga iyo adeeg bixintaba ah.

Haddaba, dalkeenan Somaliland waxaa horumar laga gaadhay adeegyada  xawilaada Mobile-ka lacagaha ee (Mobile Money Transfer) oo daboolay runtii baahiyo bulshadu ay u haraadanayd aniga oo kaso qaadanaya Shirkadaha hirgeliyey oo ay ka mid tahay Shirkada Dahabshiil oo uu aasaasay Mudane Maxamed Siciid Ducaale sannadkii 1970, waxaana lagu aasaasay arimo sida ganacsi hase ahaatee waxaa markiiba uu u dhalan rogay shirkad xaga xawilaada lacagaha oo caalamka idil ku baahday oo wakiilladeeda iyo shirkadaha kale ee ay la bahowdey awood u siiya macaamiisheedu inay lacago u soo diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku nool Geeska Afrika. taas oo ah ta ugu way ee uu ka gaadhay guusha ugu saraysa ama uu noqday qofkii koowaad ee soomaali ah oo ka shaqeeya shaqo tan oo kale ah amaba ka noqday mulkiile yeesha shirkad tan oo kale ah.

Iyada oo shirkada dahabshiil horumar ay ku talaabsatay  siiba xaga xafidashada/Dhigashada lacagaha oo hadaad maanta lacag badan haysato aad ku kaydsanayso wakhtiga aad doontana qaadanayso waxaa iyana horumar wayn ah in hadaad daafaha dunida maanta dan kaa gasho oo aad lacag u xawilayso/lagaaga soo diraayo ay kuu fududaysay.

Haddaba, Adeega xawilaada Mobile-ka lacagaha ee (Mobile Money Transfer) ee hoos yimaad  Shirkada DAHABSHIIL GROUP  waxay  bulshadu ka heshay faaido aan la qiyaasi Karin. Iyada oo  lacagta laguu soo dhigo dahabshiil halkaad ka doonan lahayd ama aad la kulmi lahayd wakhtiyada shaqada ka baxsan in aad u baahato lacag aad kala baxdo akoownkaaga  in aad si fudud u heli karto adoo gurigaaga ama goobtaada shaqo  ku sugan . waana adeega layidhaa layidhaa E-DAHAB oo ah in laguugu soo diro kaadh kaaga (Somtel).
Dhawaan ayey ahayd markii HAY’AD aan shaqo u qabtay igu wargalisay inay akownd kayga dahabshiil ay iisoo dhigayaan lacag , waxayna iigu dareen in lixda galabnimo meelahaa ay kusoo shubi doonaan.

Waxaan ku idhi aniga oo illawsan nidaamka E-DAHAB “ Fadlan intaan la iga xidhin Dahabshiil iiga soo gaadhsiiya”  markaan xasuustay nidaamka E-DAHAB iyo in aan awood u leeyahay in aan wakhti kasta akoown kayga isticmaali karo. Waxa niyada iigaga soo dhacday maqaalkan inaan qoro oo aan marka hore mahad u celiyo ALLE (SW)  nimcadan inasiiyey iyo Mulkiilaha Shirkadda dahabshiil Mudane Maxamed Siciid Ducaale iyo Mudane Cabdirashii Maxamed oo ah Masuul ka hirgaliyey horumarka balaadhan ee ay shirkada dahabshiil ku talaabsatay.

Wabillahi Tawfiq