Somaliland: Wefti Xukuumadda ka socda oo martiqaad ka Helay Dawladda Sucuudiga

0
990

Wefti ballaadhan oo socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galabta ka amba baxay Madaarka Hargeysa, iyaga oo u soo jeeda waddanka Sucuudiga.

Weftigaasi oo ka koobnaa shan wasiir oo ka tiran oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire oo ay xubno ka ahaayeen  Wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Diinta iyo Awqaafta iyo Waxbarashada. Weftiga ayaa madaarka kula hadlay warbaahinta, waxay sheegeen inay u socdaan xajka iyo hawlo shaqo, oo ay martiqaadkeeda rasmiya ka haleen boqortooyada waddanka Saudi Arabia.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeeda socdaalkooda waxaanu yidhi “Waxaannu nahay wefti ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland  oo u ambaxaya dalka Saudi Arabia, waxaanu u tagaynayaa Xaj,  waxa na marti qaaday dawladda dalka boqortooyada Saudi Arabia, waxa nalagu marti-qaaday xaj iyo madaxda dawlada Saudi Arabia in aannu kulan la yeelano, oo arrimaha labada dal la wada xaajoono. Insha Allaah markaanu xajno ka dib waxaannu arki doonaa madaxda Sucuudiga, waanu u mahad naqaynyaa madaxda Saudi Arabia, arrimahaas iyo xidhiidhkaas waxa keenay oo ay ka dambaysay siyaasadii Xukuumadda Somaliland ay qaadatay ee ku saabsanayd taageeradii xulafada Saudi Arabia Iyo Imaaraadka carabta.”

“Xidhiidhkani wuxuu ka dhashay wakhti dhawayd oo aan Cimro ku tagay Saudi Arabia ayaannu madaxda Sucuudiga qaar is aragnay, waxay noo balan qaadeen inay na marti qaadi doonaan,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Wasiirka Diinta iyo awqaata Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Insha Allah wixii waajib ah waanu ka gaysan doonaa wada-xaajoodkayagaas, waananu ugu mahad celinayaa wada hadalkaas iyo ixtiraamkaas inoo bilaabmay, iyo qiimaynta ay ina qiimaynayaan, Wasiirada halkan marayaa waxay wakiil ka yihiin umadda reer Somaliland guud ahaan gaar ahaan Xukuumadda oo taladeedii ahayd in la taageero dalka Saudi Arabia oo taariikh facweyn iyo runtii xidhiidh ballaadhan oo ganacsi aynnu la leenahay mid dawladeed aanu ka xaqiijin doono, wixii aynu ugu baahnayn Insha Allaahu, iyaguna ay maanta dareemeen in aynu isku baahan nahay.”

Xubanaha Weftiga ayaa kale wasiirrada Arrimaha dibada  iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Diinta iyo awqaata Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane.