Somalia: Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil oo maanta laga Daahfuray Kismaayo

0
1438

Wasiirka Ganacsiga Jubbaland, Fariid Jaamac Saleebaan, ayaa manta si rasmi ah xadhigga uga jaray xarun weyn oo Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil (DBI) uu ku yeelan doono magaalada Kismaayo, xarunta maamul-goboleedka Jubbaland.

“Si xuushmad iyo qaderin badan ayaannu ugu soo dhoweyneynaa Dahabshiil Group iyo bangigeeda caalamiga ah ee Dahabshil Bank International Jubbaland min heer tuulo ilaa heer caasimadeed,” ayuu yidhi Wasiirku, mar uu ka hadlayey munaasibad si xarrago leh loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Aga, xadhig-jarka ka dib.
Waxa uu Wasiirku hoosta ka xarriiqay muhimadda uu bangigan u yeelan doono kbcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga Jubbaland, iyada oo sidoo kale, uu abuuri doono furasado shaqo oo ka dhalan doono maalgelinta uu samayn doono Bangigu.
 https://youtu.be/-bxOpBvONG4
Cabdirashiid Faarax Axmed, Maamulaha Guud ee  Isu-Diridda lacagaha iyo Xarunteeda  Guud (DMT), oo ku hadlayey magaca xafiis-madaxeedka Dahabshiil Group, ayaa hoosta ka xarriiqay sida Bangigu ugu soo hoyn doono lib iyo horumar gobolka.
“DBI waxay la bah tahay oo ka soo unkantay tacabka iyo adeegga hufan ee 24000 oo laamood oo shirkaddu ku leedahay 144 dal oo caalamka ah,” ayuu yidhi.
Bangigu, ayuu ku daray, waxa hubaal ah inuu shaqo abuur baaxad leh la iman doono maadaama uu maalgelin ku samayn doono mashaariic ka bilaabma jeeblaha oo kor u gaadhsiisan ganacsatada waaweyn – nooc ay ku tahayba.
Cismaan Cali Xalane,Maamulaha Guud ee DBI ee Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia, ayaa isaguna tilmaamay in DBI ka hirgelin doonto mshaariic loo aayo Jubbaland iyada oo ka shiidaal qaadanaysa waayo-aragnimadeeda baaxadda leh ee ka soo bilaabantay, Bangi ahaan, Jabbuuti 2010.
“Guulihii laamaha waaweyn ee magaalooyinka halbowlaha ee Soomaalida uu Bangigu ka xaqiijiyey sannadihii inna soo dhaafay, ayuu ku dabbiqi doonaa Kismayu,” ayuu yidhi
Ganacsatada, madax dhaqameedka, Ururrada bulshada, kuwa caalamiga ah, Laamaha Dawladda iyo mudanka dadweynaha Kismaayo ayaa si  heer sare ah u soo maamusay daahfurka Bangiga oo si aan la soo koobi Karin ay u soo dhoweeyeen.