Dahabshiil shaqo abuurka uu sameeyaa qayb ayuu ka yahay koboca dhaqaalaha Soomaalida

0
895

Warbixin uu soo saaray Bankiga dhaqaalaha aduunka, ayaa lagu sheegay in Qurba-joogta ay sabab u yihiin kobaca ku yimid sanadihii lasoo dhaafay dhaqaalaha Soomaaliya.

John Randa, oo ah masuul katirsan Bankiga Aduunka ayaa sheegay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qaateen kobaca ku yimid dhaqaalaha dalka, balse waxa uu xusay in weli ay jiraan waxyaabo u baahan in la saxo si loo wanaajiyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Soomaalida wax badan ayay dibada ka keensataa halkii ay wax soo saar yeelan lahayd, taasina waa mid wali u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri John Randa.

“Laakiin taas la micno maahan in dalka uusan ka jirin horumar la taaban karo dhinaca dhaqaalaha,waxa jira kobac ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya 5-tii sano ee lasoo dhaafay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay John.

Sidoo kale warbixintan Bankiga aduunka soo saaray waxaa lagu sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay sida Dahabshiil ay kaalin weyn ka qaateen kobaca dhaqaalaha dalka iyagoo kumanaan Soomaali ah u sameeyay shaqo abuur.

“Qurba-joogta ayaa door weyn ku leh kobaca dhaqaalaha, iyadoo lacagaha ay dibadda kasoo diraan lagu caawiyo malaayiin qoysas Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa wax looga qabtay abaaraha ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya”