Wasiirka Daakhiliga oo Shaaciyay Tallaabooyin wax Lagaga Qabanayo Dirirta ka soo Cusboonaatay Sanaag

0
1056
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in aanay Xukuumaddu u dulqaadanayn in nabadgelyada dadka walaalaha ah ee isku deegaanka iyo isku nafta ah in uu waxyeelo u geysto qof shar wade ah oo qori sita.

Waxa kaloo   uu baaq nabadeed  u diray dadka walaalaha ah ee shaqaaqada colaadeed ee soo noq-noqotay ay ku dhex martay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel-afweyn ee  gobolka Sanaag oo dorraad dirir ka soo cusboonaatay ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka oo xalay khadka telefoonka ugu warramay wargayska Dawan, waxa uu sheegay in loo ballansanaa bisha soo socota in  labadii reer ee dhibaatadu ka dhex dhacday la isu keenno oo loo kala xukumo magtii labada dhinac oo uu tilmaamay in markii hore la isla qaatay in marka abaarta laga soo doogo la kala xukumo magta labada dhinac waxaannu nasiib darro iyo wax laga xumaado uu ku tilmaamay shaqaaqada mar kale  ka soo cusboonaatay deegaankaas oo ah mid aan loo baahnayn.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda deegaankii dirirtu ka dhacday ee Dararweyne iyo Tallaabooyinka ay qaadeen,waxaannu yidhi; “Arrintnu imika way degan tahay degaannadii ay shalay (Dorraad) colaaddu ka dhacdayna ciidanka qaranka iyo booliska ayaa ka hawlgalay oo nabadgelyada sugay wax dambe oo  ka dhacayna ma jiraan, ciidankuna ammaanka s wanaagsan ayuu u sugay oo wuxu ka hor tegay in ay  dhacdo in maleeshiyo beeleed isa soo abaabulaan oo ay ksu djhacaan ama dhibaato kale halkaa ka dhacdo xaaladna mika way degen tahay dawladduna si wayn ayay uga hawl gashay,xkuumadduna uma dul qaadanayso in nabad-gelyada uu halis galiyo qof qori sita oo qof isak toogta ,ciidankuna xaaladda gacanta ayay ku hayaan,si deg deg ahna wefti ka socda Xukuumadda oo weyn ayaa tegaya dhakhsana waa loo gudogelayaa in arrintaasi ay soo afjaranto.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay sababta shaqaaqada labada beelood soo cel-celisay iyo  in ay jiraan qodobbadii laga soo saaray oo fulin la’aantoodu ay sabab u tahay dhibaatada dambe ee dhacday,ayaa ku jawaabay. “Horta go’aamadii ay Xukuumaddu ka soo saartay labadan beelood dhibaadadii hore uga dhex dhacday way fuleen oo waxay ahayd sidii nabadgelyada  loo adkayn lahaa iyo sidii dhul daaqsimeedka loo wada yeelan lahaa sidaan biyaha loo  kala sheegan lahayn sidii loo baabiin lahaa dhammaan dhulkii degsiimooyinka cusub laga sameeyay dhammaantoodna way wada fuleen oo waa kuwa sababay in nabad gelyo ay dadkii abaarta ka hayaamay isugu soo noqdaan oo ay ku wada degaan laakiin  waxaan la gudo gelin ee noo hadhsanaa ee loo balansanaa in galo bisha sideedaad ee foodda innagu soo haysa waxay ahayd in la isu keeno labadi beelood ee dhibaatadu ka dhex dhacday oo loo kala xukumo magtii iyo xaqii ay kala tirsanayeen taasoo odayaasha labada dhinac iyo waxgaradkii u gurmaday iyo Xukuumadduba isla qaateen ka dib markii la qiimeeyay xaaladdii abaarta ee lagu jiray oo dadku ku tabaaloobay wax mag lagaga qaadana aanay xilligaa hayn laakiin nasiib darro dhibaatadan dambe ayaa dhacday tanna waanu ka hawl galnay dhakhsona waa loo tegayaa ballantaa hoena sideedii ayay ahaanaysaa oo wixii ay isu geysteen eek ala gaadhay waa look ala xukumayaa.”

 

Wasiirka oo ka hadlayay colaadaha beelaha dhex mara iyo saamayntooda iyo sida ay u adagahay xakamaynta dad reer miyi ah oo hubaysan,waxa uu yidhi; “Horta waxay xaqiiqadu tahay markay colaaduhu ay dhex maraan dad walaalo ah oo wada deggen oo aan  kala tegayn dhibaato ayay leedahay oo nabad gelyadeedu hawl wayn ooadag ayay u baahan tahay waxaanay qaadataa wakhti badan oo way daba dheeraataa laakiin waxaa naga go’an ka Xukuumad ahaan in aanay halkaa wax dambe ka soo noqon,aad ayay u adag tahay in dad reer miyi ah oo reer guuraa ah oo colaadi ay dhex martay aad kala xakamayso illaa la dhammeeyo wax kasta oo ay kala tirsanayaan oo la kala xukumo magta ay  isku leeyihiin oo dhan walba lagu xukumo wixii qabta iyadoo aynu nahay dad reer miyi u badan oo reer guuraa hubaysan ah ayaa markaa oo  baahan yahay in aynu ku hawl galno dufuurta aynu ku nool nahay oo ku go’aan qaadano xaaladda nololeed ee dadkeena markay sidaa tahay waxaan u sheegayaa  in xukuumaddu ay masuul ka tahay dhul daaqsimeedka iyo dhulka mmiyiga ah ee la wada leeyahay cid kasta oo dhibaato wadana tallaabo adag ayaanu ka qaadaynaa,tan imika dhacdayna ciddii qaladkeeda yeelata waxaan u sheegayaa in sharciga la marin doono.”

 

Ugu damayn wasiirku wuxuu farriin waanno ah u diray waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah oo uu ku waaniyay in ay wanaagga iyo nabada ka shaqeeyaan oo ay ka feejignaadaan in colaad kale dadka lagu kala kaxeeyo oo dhiig dambe daato. “Waxaan ugu baaqayaa dadkaas walaalaha ah ee isku noosha ah ee aan meelna kala tegayn ee wada dhashay in aan shaydaan ka dhex shaqayn oo ay nabad gelyadooda ka wada shaeeyaan waxaanan ku waaninayaa waxgaradka culimada iyo dadka talo qabeenka ah ee deegaanka in ay nabad gelyada tacab badan galiyaan oo ay dadka isku soo jiidaan oo ay walaaleeyaan xukuumadduna dhakhso ayay u tegaysaa waanay ka qayb qaadanaysaa wax kasta oo nabad gelyo labada beelood ee walaalaha ah suuragalinaya cid sharciga ka wayn oo nabad gelyada diidi kartaana ma jirto,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fatatoon).