Kharashkii Doorashada Madaxtooyada Oo Aanay Xukuumaddu Dhamaystirin, Saamaynta Cudurka Shuban Biyoodka Iyo Caqabadaha Kale ee Hortaagan Qabsoomidda Doorashada

0
644
Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay
Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay

Dib U Dhac Kasta Oo Doorashada Ku Yimaadda Ayaa Saamayn Xun Ku Yeelan Doona Xidhiihdka Somaliland iyo Beesha Caalamka

Mudadii loo cayimay qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ayaa waxa ka hadhay muddo shan bilood iyo maalmo kooban ah, waxaana soo baxaya walaac hor leh oo ku saabsan qabsoomidda doorashada.

Walaaca ku saabsan suurtagalnimada in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto ayaa salka ku haysa duruufaha kala geddisan ee bulshada Somaliland la deriska ah gaar ahaan ay dadka maatida ahi ku sugan yihiin, waxaana sida laga warqabo sii faafaya cudurka shuban biyoodka oo noqday musiibadii labad ee bilo gudahood ku habsata Somaliland.

Cudurka shuban-biyoodka oo muddo toban cisho ah si xawli ah ugu faafayay magaalada Burco ayaa waxa uu haatan u soo gudbay gobolada Saaxil, Awadal iyo Maroodi-jeex oo cabsi xoogan laga qabo.

Guud ahaan dadka uu cudurka shuban biyoodku soo ritay ee gobolada Togdheer, Awdal iyo Saaxil tuulooyin ka mid ah ayaa 4000 qof kor u dhaafaya, waxaana sidoo kale jirta tiro dhimasho ah oo gaadhaysa 200 qoo dhimasho guud ahaan gobolada dalka oo ay Buuhoodle ku jirto.

Geesta waxaa jira saan-saan diyaar garaw la’aaneed oo dhinac kasta oo doorashooyinka ku lug leh ah, tusaale ahaan komishanka doorashooyinku qaybinta kaadhadhka codbixinta kamay hirgalin 4 gobol oo dalka ka mid ah, sidoo kalena xukuumaddu may dhamaystirin lacagtii suurtogalin lahayd qabsoomidda doorashada, halka xisbiyada laftooduna si gaabis ah arrintan ula socdaan, waxaana xusid mudan in dhammaan xisbiyadu ay walaac ka qabaan doorashada oo dib u dhacda.

Ugu dambayn dib u dhac sabab kasta leh oo doorashada ku yimaadda ayaa dhaawac ugu wayn gaadhsiin doona xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka, haddii uu diyaar garawga doorashadu sida uu hadda yahay ku sii socdana shaki kuma jiro inay beesha caalamku go’aan ka gaadhi doonto Somaliland.