Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Ciro ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmey Madaxweyne Siilanyo.
Gudoomiye Ciro ayaa waxaa dhinaciisa kulanka ku wehelinayey Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI , waxaana dhinca madaxweyne Siilanyo ku wehelinaayey Ku Xigeenkiisa Saylici Iyo Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi.