Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Oo Ka Digay Cawaaqibka Ka Dhalan-kara Hab-dhaqanka Xisbiyadu U Marayaan Loollanka Doorashada & Qabyaaladda

0
651

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Digniin Iyo Dardaaran U Jeediyey Xisbiyada Siyaasadda Somaliland Ee Ku Loollamaya Doorashada Madaxtooyada

Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa wallaac ka muujiyey hab-dhaqanka siyaasadeed ee tartanka Axsaabta iyo saamaynta uu ku yeelan karo dadka iyo dalka.

Mujaahid Cabdiraxmaanw Cali oo wareysi siiyay Telefiishanka Qaranka (SLNTV) waxa uu si qotto-dheer uga hadlay halista Qabyaaladda iyo tartanka siyaasadeed ee guracani ku yeelan karo dadka iyo dalka.

Ugu horreyna isaga oo ka hadlaya hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada Qaranka Somalialnd ee xilligan waxa uu yidhi “Madaxda hoggaaminaysa saddexda Xisbi Qaran masuuliyad weyn ayaa saaran, waana nimanka doonaya inay dalka berrito madax ka noqdaan”.

Cabdiraxmaan Aw Cali waxa uu dhalliilay hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada “Waxaan aad u dhalliilayaa sida ay u tartamayaan, waxaan uga jeedaa si ka hufan sidan oo ka qurux badan oo ka asturan, runtii oo ka Qabyaalad yar (ayay u tartami karaan)..”.ayuu yidhi, waxaanu inta ku daray oo uu ka hadlay  ujeeddadii Somaliland ka lahayd samaynta Xisbiyada “Xisbiyada waxaynu u samaysanay in aynu kaga baxno oo aynu kaga maarano Qabyaaladda, balse hadda ayey u xuub-siibatay oo ay noqotay haddaanu reer hebel nahay Xisbigaasi ayaanu ka soo baxnay oo Xisbigaasi ayaanu galaynaa, waxaanad mooddaa in sidaasi ay Xisbiyadii gogol ugu dhigayaan, qabaa’il waa la’yahay, laakiin sidii quruxda badneyd ee xattaa qabaa’ilku si hufan ugu tartami lahaayeen miidaankii doorashada iyo Xisbiyada ma muuqato oo way qaawan tahay sanadkan, waxaanan leeyahay Xisbiyada waar bahasha maradii ku celiya”.

Sidoo kalena, Cabdiraxmaan Aw Cali waxa uu farriin u diray ummadda Somaliland “Ummadda Reer Somaliland waxaan leeyahay waa la idin fiirsanayaa oo Adduun-weynaha ayaa la idinka daawanayaa ee maaha dalka gudihiisuun, waayo?, waxan Madax-dhaqameedadiinii ay isla soo taagayaan Telefishanada ee ay ku dhaadanayaan waxaan leeyahay sidaa Qaran lagu noqon maayo”.ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka digay nabadgelyo darro uu sababo loolanka siyaasaddu “Waxa loo baahan yahay in Xisbiyadu darriiqa fiican ee loo tartami karo dadka ku hoggaamiyaan ee aanay iyaga dadku hoggaamin, haddii Nabadgelyada la ilaalin waayo oo si fiican loo tartami waayo oo lagu talo gali waayo in wax la heli karo ama la waayi karo oo sidaa lagu geli waayo tartanka, waar dalka madax laga noqonayaa muxuu noqonayaa, haddii ay colaadi timaaddo yaa madax loo noqonayaa, haddii uu dadku kala fogaado yaa madax loo noqonayaa, haddii uu Qaranku dumo yaa madax loo noqonayaa,? Intaasi kadibna xaaladda dadka iyo dalku way adag tahay oo waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu abaarta inaga soo jabiyo, doorashada ka sakowna in dib loo jaleeco dadkii madaxda loo noqon lahaa way jillicsan yihiine, mana aha in dushooda lagu ciyaaro ee waa in wax walba iyaga laga horreysiiyo”. Ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo ururiyey Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax