Xukuumadda Somaliland Oo Farmaajo Uga Digtay Dhaq-dhaqaaqyada Uu Somaliland Gudaheeda Ka Wado.

0
837

“Somaliland iyo Somalia Way Is-yaqaanaan, Ragga Maanta Ka Taliyaana Ha Ku Cibro Qaataan Siyaad Barre Wixii….”  Xukuumadda Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa dawladda Somalia uga digtay inay soo faro-galiso xuduudaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay digniinta xukuumaddu daba socotaa war ku soo baxay cadadkii shalay ee wargayska Somalilandtoday kaasoo sheegay in Madaxwaynaha Somalia uu ku hawlan yahay inuu ciidamo ka qorto gudaha Somaliland.

Afhayeenka xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay inay Somaliland danaynayso nabadda iyo wadanoolaansaha waddamada jaarka ah hase yeeshee waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin wixi xad-gudub ku ah qaranimada Somaliland.

Waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Somalia si fiican isku yaqaanan isla markaana aanay Somaliland u habran doonin wixii gardarro ah, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Somaliland iyo Somalia way isyaqaanaan, ciidankii afrika ugu xooga waynaa ee Siyaad Barre cidii bur-burisay waa Somaliland, ragga maanta Somalia ka taliyana waxaanu leenahay ku cimro qaata, anagu waxaanu nahay dawlad iyo dad doonaya inay nabad-gelyo kula noolaadaan wadamada jaarka ah laakiin xuduudaha jamhuuriyadda Somaliland cidna u daba-fadhiisan mayno”