Madaxtooyada Soomaaliya Oo Shalay Laga Dhex Qabtay Askar Al-Shabaab Looga Shakiyay Iyo Farmaajo Oo Laga Mamnuucay Inay Ciddi U Gasho Cabsi Ammaan Darteed

0
710

Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Villa Somalia ee Muqdisho, ayaa shalay gashay saacado jaha-wareer iyo shaki ah, ka dib markii ay ciidamo sirdoon ahi ka fuliyeen hawlgal ay ku baadhayeen kooxo looga shakiyay Al-Shabaab.

Idaacadaha Muqdisho ayaa shalay baahiyay in madaxtooyada laga fuliyay hawlgal lagu qabanayay askar iyo shaqaale ka tirsan madaxtooyada oo la sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab kuwaas oo la sheegay inay qorshaynayeen hawlgalo inay ka dhacaan gudaha madaxtooyada.

Dhaqdhaqaaqa xafiisyada madaxtooyada oo ay ku jiraan kuwa madaxweynaha ayaa la hakiyay. Xafiiska madaxweynaha iyo meelaha u dhowdhow ayaa laga joojiyay in laga ag dhawaado, waxaana sidoo kale la joojiyay in wax baabuur ahi madaxtooyada ka baxaan ama soo galaan. Warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay in la qabtay ugu yaraan saddex askari oo madaxtooyada joogay, kuwaas oo ka mid ahaa kooxaha la raadinayay.

Ma jiro wax war ah oo ay madaxtooyada Somaliya ka soo saartay arrintan, laakiin waxay muujinaysaa halka uu taaganyahay ammaanka Muqdisho. Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hore u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, laakiin waxa muuqata in dagaalkii uu ku baaqayay uu ka qarxi gaadhay gudaha madaxtooyada uu ka hadlayay.

Maaha markii koowaad ee madaxtooyada Somaliya laga dhex qabto dad lagu eedaynayo kooxda Al-Shabaab inay ka tirsanyihiin.