Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Oo Xadhigga Ka Jaray Xafiis Uu Xisbigu Ku Yaalanayo Degmada Berbera

0
826

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xadhigga ka jaray xafiis cusub oo uu xisbiga KULMIYE ku yeelanayo degmada Berbera, kaas oo ku yaalla gudaha magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madasha xadhiga lagaga jaray Xafiiska uu xisbigu ku yeelanayo gudaha degmada Berbera, ayaa waxa goob joog ka ahaa guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere, madaxda xisbiga ee heer gobol iyo heer degmo, hoggaanka garabka haweenka ee gobolka Saaxil, wasiirro xukuumadda katirsan, taageerayaal iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo kooban oo la xidhiidha isku dubba ridka hawlaha xisbiga iyo u diyaar garowga hawlaha muhiimka ah ee mustaqbalka iyo waqtigan xaadirka ahba.

Madaxda xisbiga ee gobolka Saaxil iyo degmada Berbera oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay hawlaha lagu qaban doono xafiiska iyo qorsheyaashooda mustaqbalka ee la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa loona dardargelin lahaa habsami usocodka hawlaha shaqo ee xisbiga.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo xadhig ka jarista kadib hadallo kooban ka jeediyey madasha, ayaa masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Saaxil si weyn ugu mahadnaqay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay xil gaar ah iska saaraan sidii daweynaha gobolku ay u qaadan lahaayeen kaadhadhkooda cod bixinta.

Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa uu ballan qaaday inay hoggaan ahaan si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan madaxda xisbiga ee gobolka Saaxil, wixii ay uga baahdaana la garab geli doonaan.