Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mudane Abdirashiid Maxamed Siiciid Dahabshiil oo ka qayb Galay Shir ka dhacay Dalka Kenya oo Wareysi Siiyey Idaacadda VOA.

Shirkan oo uu Hogaaminayey Amiirka Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka Dhacay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, Shirkan oo ay ka soo qayb galeen ganacsato ka kala timid Geeska Afrika.

Abdirashiid Dahabshiil oo u waramaya aya Sheegay in Dawladda Kenya iyo Madaxweynaheeda Uhuru Kenyatta ay si diiran u soo dhaweeyeen Weftiga Qadar ka socday ee uu hogaaminayey Amiirka Dalkaasi.

Abdirashiid Dahabshiil waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka qayb qaadashada shirkan iyo heshiiska ay la galeen Shirkadaha Qadar sida oo kale waxa uu ku daray in ay Shirka kusoo casuumtay rugta ganacsiga ee Dalka kenya oo ay shirkadda Dahabshiil ka tahay Hormuudku Ganacsatada Kenya iyo Afrikaba.

Waxa ay shirkadda Dahabshiil kusoo bandhigtay Shirka Adeegyadda ay u qabato Dadka ku nuul Geeska afrika iyo guud ahaan Afrikaba, sida Xawaaladda Baanka iyo Isgaadhsiintaba.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa ku daray in Heshiisyadan ay la galeen Shirkadaha Qadar ay Wax weyn kusoo kordhin doonan Gobolalka iyo Kenya ba.